Dalladda Culumaa'udiinka Soomaaliyeed oo cambaareysay dilkii loo geystay Ex. Jen. Maxamed Cabdi oo kooxo hubeysan ay ku toogteen magaalada Muqdisho
Khamiis, November 11, 2004 (HOL) War-Murtiyeed ka soo baxay Dalladda Culumaa'udiinka Soomaaliyeed oo uu ku saxiixnaa guddoomiye ku xigeenka Dalladdaas Shiikh Axmed Maxamed Suleymaan ayaa lagu cambaareeyay dilalkii dhowaan Magaalada Muqdisho loogu geystay Saraakiil ka tirsan ciidamadii hore ee Xoogga dalka Soomaaliyeed oo uu ugu dambeeyay midkii loo geystay Ex. Jen. Maxamed Cabdi Maxamed oo ay 5-tii bishan rag dabley ah oo wejiga soo qarsaday ay ku dileen gurigiisa hortiisa.
Culumaa'uddiinkan waxay War-Murtiyeedkooda ku muujiyeen sida ay uga xun yihiin dilalka loo geystay Saraakiishaas, gaarahaan Marxuum Ex. Jen. Maxamed Cabdi oo ay ku sheegeen in uu ahaa nin ku weynaa Culumaa'udiinka Soomaaliyeed, waxayna caddeeyeen in kuwii ka damabeeyay dilkiisa oo ahaa mid gardarro uu Alle abaalmarin doono, iyagoo daliil ahaan u soo qaatay in abaalkooda uu ku xusan yahay Aayadda 93aad ee Suuratul Nisaa, taasi oo sheegeysa in qofkii qof mu'min ah kas u dila ay abaalmarintiisu tahay Naarta Jahanamo oo uu ku waarayo, iyadoo ay u sii dheer tahay Alle oo lacnadaya, isla markaana u caroonaya.
Culumaa'udiinka waxay kaloo qoraalkoodaas walaac uga muujiyeen dadka Muslimiinta ah ee ay Isbaheysatada uu Mareykanku horboodayo ay ku xasuuqayaan dalka Ciraaq, gaar ahaan Magaalada Fallujah, iyagoo ugu baaqay dadka muslimiinta ah in u damqadaan walaalahooda la leynayo, isla markaana ay intii karaankooda ah ku garabsiiyaan sidii ay isaga difaaci lahaayeen cadawga ku soo duulay.
Sidoo kalena, Dalladda Culumaa'udiinka Soomaaliyeed waxay hambalyo u direen dadka Soomaaliyeed meel ay joogaanba iyaga oo ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Fitriga ee foodda nagu heysa, waxayna u rajeeyeen dadka Soomaaliyeed in ay sanadkan kiisa kale ku gaaraan nabad iyo barwaaqo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia |
|
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo dalka Masar uga qeyb gelaya Janaasada Madaxweynihii Falastiiniyiinta oo dhowaan geeriyooday
Khamiis, November 11, 2004 (HOL) Madaxweynaha Dowladda Federaaliga KMG ah ee Soomaaliya Col. C/llaahi Yuusuf Axmed oo haatan ku sugan Dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa lagu wadaa in uu u baqoolo magaalada Qaahira ee Dalka Masar, halkaasi oo uu kaga qeybgeli doono Janaasada Madaxweynihii Falastiiniyiinta marxuum Yaasir Carafaad oo meydkiisa laga soo qaadayo cusbitaal ku yaala magaalada Paris ee dalka Faransiiska oo uu dhowaan ku geeriyooday.
Wariyaheena Magaalada Nairobi Maryan Maxamuud Barre (Qalanjo) oo soo xiganeysa ilo ku dhow dhow xafiiska Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa ku soo warantay in madaxweynaha uu horay u qorsheystay socdaal uu ku tago dalka Masar, balse uu socdaalkaasi dib u dhac ku yimid kadib markii uu casuumaad ka helay mas'uuliyiinta Boqortooyada Sacuudiga.
Madaxweynaha ayaa kadib marka uu ka qeybgalo Janaasada meydka madaxweynihii hore ee Falastiiniyiinta waxaa la filayaa in uu kulamo la yeesho mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Masar oo xiriir soke la leh Soomaaliya, iyadoo ay suurtagal tahay in uu sidoo kale kulamo la yeesho mas'uuliyiin ka tirsan Ururka Jaamacadda Carabta oo uu kala hadli doono sidii ay Jaamacadda Carabta u taageeri lahayd dowladda Soomaaliyeed ee jadiidka ah.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa marka uu gaaro dalka Masar waxaa uu noqon doonaa dalkaas midkii seddexaad ee carbeed ee uu booqasho ku tago tan iyo markii la doortay 10-kii bishii Oktoobar ee aynu ka soo gudubnay, wuxuuna horay u soo maray dalalka Yemen iyo Sacuudiga, iyadoo ka horna uu horay u booqday labo dal oo Afrikaan ah, kuwaasi oo kala ah Itoobiya iyo Uganda, waxayna dhamaan socdaalladiisan ay salka ku hayaan sidii uu taageero dhinacyo kala duwan leh ugu heli lahaa dowladda uu madaxweynaha ka yahay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia |
|
Suxufiyiin Fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho oo maanta dhistay guddi u soo diyaariya Urur-weyne ay ku mideysan yihiin Dhammaan Suxufiyiinta Soomaaliyeed
Khamiis, November 11, 2004 (HOL) Shir looga doodayay sida ugu haboon ee ay Suxufiyiinta Soomaaliyeed ku sameysan karaan urur ay ku mideysan yihiin ayaa maanta waxaa uu ka dhacay Hotelka Saxafi International ee magaalada Muqdisho, iyadoo shirkaasi oo ahaa mid gogol xaar ahna lagu doortay guddi sagaal xubnood ka kooban oo soo diyaariya shirweyne lagu dhisi doono urur ay ku mideysan yihiin dhammaan Suxufiyiinta Soomaaliyeed.
Shirkan oo ay ka soo qeybgaleen inta badan Suxufiyiinta fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ayaa dood iyo falanqeyn dheer kadib waxaa lagu isku af-gartay in la sameeyo guddi muddo 6 bilood gudahood ah ku soo diyaariya shirweynahaas, iyadoo uu guddigaasina xiriirro la sameyn doono dhammaan Suxufiyiinta dalka ku kala firirsan.
Guddigan oo bedelay guddi horay uga soo shaqeeyay in ay Suxufiyiintii maanta isu timid ay isu wacaan ayaa waxay xubnihiisu ka kala socdeen, Idaacado, Wargeysyo, Website-yo, Ururro, iyadoo weliba ay ka mid yihiin kuwo metelayay wariyayaasha madaxa bannaan, waxaana xusid mudneyd in kulankii maanta ay goob joog ka ahaayeen warfidiyeeno hore oo ay ka mid ahaayeen Cabdi Xaaji Goob-doon oo mar noqday Wariyihii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Alle ha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre, Barqad Cawaale Aadan ayaa sidoo kale isna joogay, halka uu sidoo kale kulankan ka soo xaadiray Cabdi Muxumed Amiin oo marna Suxufi ah, marna Abwaan ah.
Xubnaha guddiga soo diyaarinaya Shirweynaha ee maanta la doortay oo sagaal xubnood gaaraya ayaa waxay kala yihiin:
C/qadiir Maxamuud (Walaayo) Guddoomiye
Zamzam C/llaahi Cabdi Xoghaye guud
C/qaadir Maxamed (Barnaamij) Guddoomiye ku xigeen
Shariif Macallin Maxamed Xubin
Xasan Maxamuud Axmed (Fanax) Xubin
Salaad Iidow Xasan (Xiis) Xubin
Maxamed Cusmaan Xuseen (New York) Xubin
Xabiibo Axmed Jimcaale (Biibto) Xubin
Sucaado Aadan Maange Xubin
Baahida loo qabo Ururkaan ayay Suxufiintii maanta isu timid isla qireen, xili weliba ay dalka ku soo socoto dowlad la imaan karta sharciyo lid ku ah madax banaannida saxaafadda, waxayna suxufiyiintu is-tusiyeen haddii aaney hadda midoobin oo aysan talo ku yeelanin xeerarka ay dowladda dhiganeyso in ay noqon doonaan kuwo ambaday oo kaalinkooda gabay.
Si Kastaba, Arrintu ha ahaatee, waxaa dhicisoobay dhowr isku day oo looga gol lahaa in lagu dhiso urur ay ku mideysan yihiin Suxufiyiinta Soomaaliyeed, waxaana mar walba dadaalladaas lugta jiidayay iyadoo aaney Bahda Saxaafadda is-aaminsaneyn, isla markaana aaneyba dooneynin in ay wax ku heshiiso, waxaana horay u bur buray dhowr Urur oo markii la dhidibada loo taagay kadib ay isku dhaceen raggii aas aasay, iyadoo isku daygaan hadda socdana uu yahay mid mar kale lagu baadi goobayo Urur-weyne ay ku mideysan yihiin Suxufiyiinta Soomaaliyeed.
Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia |
 |