Xawaaladda DAHABSHIIL
Idaacadda Habeenimo Idaacadda Galabnimo Idaacadda Duhurnimo
Somalihome Online
Somali Peace Process
SomaliUK.com
SUSA Netowrk

Arab News





Madaxweyne C/llaahi Yusuf oo Maanta gelinka dambe la filayo in uu dhoofo dalka Masar si uu uga qayb galo tacsida Yasir Carafaat

Maryan Qalanjo.

Khamiis 11, November 2004 (HOL) - Madaxweynaha Dalka Soomaaliya  Mudane C/laahi Yuusuf Axmed iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa Gelinka dambe ee Maanta waxa la filayaa in ay tagaan Wadanka Masar halkaasi oo ay kaga qeeyb gelayaan Tacsida Allaha u naxariistee Hogaamiyihii Falastiin Marxuum Yaasir Carafaad, sida ay HOL u xaqiijiyeen ila ku dhaw-dhaw Mudane C/laahi Yuusuf iyada oo horay ay u qorsheeysneed inuu Wadankaasi Masar Madaxweynuhu Safar ku tago hadana Maadaama uu safarkaasi dib u dhac ku yimid ka dib markii Madaxweyne C/laahi iyo Wafdigiisu ay Safar deg-deg ah oo ay Casuumaad ka heleen Masuuliyiinta Boqortooyada Sucuudiga  ku aadeen Wadanka Sucuudiga  ayaa  waxaa la qorsheeynayey inuu  Madaxweynuhu dib ugu sii laabto Wadanka Kenya oo hadda rug u ah Dowladiisa cusub ka dib socdaalkiisa Sucuudiga balse safarkaan deg-dega ah ee uu Madaxweyne C/laahi ku tegayo Masar ayaa  yimid ka dib markii uu Habiinkii Xalay geeriyooday Hogaamiyihii Falastiin Yaasir Carafaat taasina ay keentay inuu Madaxweyne C/laahi booqashadiisa uu Waqtigaan ku tegayo Masar ay tahay Mid tacsi ah.

Dowladda  Masar ayaa intii uu xanuunsanayey Yaasir Carafaat balan qaaday  haddii uu geeriyoodo Carafaadin Tacsidiisa  lagu dhigi doono Wadanka Masar, sidaa darteed Maalinta Berri ah oo ku beegan Jimco waxaa la qorsheeynayaa in Tacsida Marxuum Yaasir Carafaat oo lagu dhigi doono Wadanka  Masar  ay kasoo qeeyb geli doonaan Madaxweyne-yaal, Wasiiro, iyo Masuuliyiin kaleba iyada oo Dowladaahi ay ka mid nioqon doonto Dowladda Soomaaliyeed ee dhawaan curatay, isla markaana uu Madasha Tacsida Wakiil Dowladda Soomaaliyeed uga yahay Madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo Wafdiga uu hogaaminayo.

Dowladda Soomaaliyeed ee cusub ayaa marleedii labaad ka qeyb geleeysa Tacsi  Masuuliyiin Carbeed oo geeriyooday tan iyo markii la doortay Mudane C/laahi Yuusuf Axmed oo ku beegneeyd 10-kii October sanadaan 2004-ta iyada oo uu horay Tacsidii Madaxweynihii Wadanka isu tagga Imaaraadka Carabta  uga qeeybgalay Ra`iisul  Wasaare Cali Maxamad Geddi oo Wakiil ka ahaa Dowladda Cusub.

E-mail: Qalanjo@hiiraan.com

Hiiraan Online











Contact:webmaster@hiiraan.com
Copyright Š 2004 Hiiraan Online
 

Waqtiga Salaadda

SISAWA
The Right Way to Pray
Somali Sunah
Listen & Read Quran

Benadir_Islam
AFLAX.NET
ISLAM TOMORROW
Iimaam Shaafici
Boqolsoon

Khalid Bin Walid

La Soco Tafsiirka
Ottawa Muslims
Maktabatu Al-Hudda
Islamic City
MSA
IVIEWS.COM
Learn about Islam