4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
XOG WARAN KU SAABSAN DHALLINYARADA & ISBOORTIGA

Waxaa soo Diyaariyey

Hon. Mohamed Hussein Hadi                            

La Taliyahii hore ee Madaxweynaha DFS ee

Dhallinyarada & Isboortiga, ahna Khabiir Isboort                                        14.09.2022

BAAHIDA LOO QABO IN ISBADEL SIYAASADEED LAGU  SAMEEYO ISBOORTIGA  & DHALLINYARADA SOOMAALIYEED

Isboortiga waxaa loo yaqaana wax kastaoo ku taxaluqa dhaq-dhaqaaqa jidhka, mid habaysan oo laga qayb galo iyo mid wax kataraya fayoobida jidhka iyo maskaxdaba, is-dhexgal iyo isbarashana ka dhex abuura dadka ku kulma goobaha lagu tartamo nooc kasta oo ay yihiin. Isboortigu waa dhaqan bulshadeed kana madaxbanaan loolanka siyaasadeed. Bulshooyinka danyarta ah waqti badan ayey ka qaadataa horumarinta Isboortigu. Ummadaha saboolnimada iyo dagaaladu ku badan yihiin way ku adag tahay in ay himilooyinkooda tiigsadaan. Hasayeeshee, Isboortis habaysan oo la jaangooyo, loona helo dhaqaale bilowga hore lagu maal galiyo, ayaa lagaga bixi karaa duruufaha qalafsan ee hortaagan hirgalintiisa. Waxaan aaminsanahay in Isboortigu uu yahay waxa kali ah ee bulshadeena lagu qiyaaso 75% inay Dhallinyaro yihiin Isboortigu uu kala dagaalami karo, wax kasta oo bani-aadamka maskaxdiisa iyo jidhkiisaba badeli kara. “MASAKAX FAYOW AYAA LAGA HELAA JIDH FAYOW”

Waxa marag ma doonta ah in dhallinyarada Soomaaliyeed ay ka buuxaan qaar badan oo isboortiga aad ugu fiican, oo aan helin fursad ay ku soo bandhigaan hibada Alle siiyey, khaasahaan Cayaaraha Fudud (Track & Field), Dabaasha, kubdda Miiska, Tenniska dheer, Kubadda Cagta & Koleygaba iwm…

Wadamada horay u maray, waxay isboortiga u arkaan hubka lagula dagaalamo anshax xumada & fasahaadka dhallinyarada soo koreysa ku habsaday oo mustaqbalkooda curyaamiyey. Taasina wadankeena waxay kahirgashay waqtii Dawladdii Kacaanku wadanka ay maamulaysay, khaasahaan 12kii sanno ee u horeeye 1969-1981.             Waxa siweyn loogu baahanyahay in arrimahan soo socda fiirogaar ah loo yeesho sidii kor loogu qaadi lahaa ama loo taabbo gelin lahaa, ayadoo ku dayasho mudan laga dhiganayo waqtigaas 12ka saano, waxaana mudadaas suurtagalay arrimaha soosocda:

  1. AQOONTA ISBOORTIGA OO SARE LOO QAADAY (Akademiyada Cilmiga sboortiga & Kuliyadii Lafoole oo lagu daray faculty of Sports & Physical Education.
  2. MACHADKA DHISMAHA JIRKA oo lagu soo saaro cayaartooydii Qaranak ku masili lahayd Isboortiga kala duwan.
  3. ISBOORTIGA DADWEYNAHA oo la dhiirigeliyo, sida tartanada Bulshaweynta, ardayda Dugsiyada heer dugsiyada hoose ilaa Jaamacadeed,Ciidamada heer degmo illaa heer Gobol oo la joogteeyey
  4. ISBOORTIGA NAADIYADA oo heer Gobollo & Degmooyin (Seria A, B and C)
  5. ISBOORTIGA HEER QARAN & MID CAALAMI AH oo heer sare la gaadhsiiyo taasina ay suurta galiso in si joogta ah looga qayb galo isboortiga Dibedda iyo kuwa badan oo waddankeena lagu martigalinayo.

1.1. Habka Maanta ugu Wanaagsan ee lagu Hirgalin karo Isboortiga:

1.   In mudnaanta kowaad la siiyo dhallinyarada Soomaaliyeedee 75% ka ah ummaadda Soomaaliyeed, taasoo ah in la xoojiyo Waxbarashadooda iyo dhismaha jirkooda & maskaxdooda.

2.     In Manhajka waxbarashada ee heer Dugsi hoose ilaa heer Jaamacadeed oo ay diyaar yihiin maqararkooda la dhaqan geliyo.

3.     In la joogteeyo tartamadii gudaha & dibeddaba lagaga qayb galayey Isboortiga kala duwan & Shirarka dhallinyarada.

4.     In qorshe gaaban & mid dheerba loo sameeyo hirgalinta ujeeddooyinka loo igmaday Wasaaradda Dhallinyarada & Isboortiga.

5.     In Dayactir u baahan ilaa US$3million lagu sameeyo Garoonka weyn ee Muqdisho Stadium oo la sameeyey 20% iyo Tuulada Isboortiga oo horey aan ugu qabanayey Tartanadii ay ka soo qayb galeen 21 Dawladood oo Carbeed, cayaartooy gaareysa 2800 ay ka soo qayb galeen bishii Sept 1979kii. Dayactirkaasna waxaa u diyaar ah laba Shirkadood oo kala ah Hoggaanka Dhismaha ee Booliska Soomaaliyeed iyo shirkad laga leeyahay Dalka Turkiga waa haddii aan isku tashanayno, haddii kale eeg qodobka soo socda farqadiisa 4aad.

  1. Hirgalin Ujeeddooyinkaas

                       1.         Diyaargaraynta dadkii ujeeddooyinkaas fulin lahaa

    1. Tabaridda Maamulayaasha, Garsoorayaasha & Tababarayaasha isboortiga kala duwan.
    2. Isboorts tayo iyo tiroba leh sidii loo soo saari lahaa
    3. Dawladda Federaalka Soomaaliya oo dayactir ku sameeysa Garoomadii hore, iyo kuwa cusubna sidii loo samayn lahaa ayadoo lala kaashanayo Dawladaha aynu saaxiibada nahay oo kuwii hore ee aan dhisnay 1979kii aanu ka soo qaadnay lacagtii lagu dhisay Tuullada Isboortiga, marka laga reebo Stadiyo Muqdisho oo Dawladda Shiinuhu inoo dhistay 1977kii.
    4. Olole horumarin Isboort iyo mid dayactireedba sidii loo samayn lahaa oo looga dhigi lahaa mid heer Qaran ah oo ay ka qayb galaan madaxda heer Qaran ilaa dadweynaha. “OLOLAHA HORUMARINTA ISBOORTIGA.
    5. Tirakoob lagu sameeyo ciyaartooyda wanaagsan ee QURBA JOOGTA.
    6. Dhiirigelin joogta ah sidii loo diyaarin lahaa kooxo heer Qaran oo cayaaraha kala duwan inooga qayb gala Gudaha & Dibeddaba, ayadoo waqti munaasib ah la galiyo tababaradooda iyo diyaar garayntoodaba, si ay u keenaan GUULO la taaban karo.

Waxa ay UNESCO ku guulaysatay inay miisaaniyad aad u balaaran UN(tu) ku siiso la dagaalanka ubadka lagu shaqaysanayo ee loo isticmaalayo, argagaxisanimo, dagaalada sokeeye, ama mukhadaraadka iyo waxa la mid ah.  Taasina maanta adduunka kama qarsoona waxa Soomaaliya ka taagan, inkastoo hadda ay ka soo fiicnaanayso, khaas ah magaalada Muqdisho. Waxa hubaal ah, haddii aynu arrimaha kor ku xusan u habayno qaab mashruuceed (Sports Development Project), daba gal fiicanna lagu sameeyo, in Ilaahay idankii wax badan ay ka suurtageli karto Inshaa Allaah. Isboortigana, loo isticmaalo hubka keliya ee nabad ku soo celin kara waddankeenna hooyo, haddii daacadnimo iyo isku kalsoonaan wadajireed wax loo wada qabto.

 Waxaa yaraatay aqoontii iyo wayo-aragnimadii howl-wadeenadii Isboortiga, taasoo maanta dadka faraha ku hayaa inay habayaraatee aanay lahayn aqoontii iyo farsamadii lagu maamulilahaa Isboortiga”. Waayahan dambe waxaa adduunyada oo dhan ay ku baraarugtay ahmiyadda isboortiga uu u leeyahay guud ahaan mujtamaca gaar ahaanna muwaadin kasta. Aqoon yahanada caalamka waxa ay ogaadeen in faa’iidooyinka isboortiga laga helo ay aad uga ballaaran yihiin: Ciyaar & madadaalo, waxa ay xaqiijiyeen in isboortiga uu yahay aqoon farsamaysan oo cilmi ahaan loo barto:

1.     Mid dhallin kara dhaqaale faro badan oo aan canshuur ahayn

2.     Mid kor u qaada caafimaadka muwaadiniinta oo looga hor tago cuduro badan oo maanta mujtamaceenna ku batay, oo waa tii hore loo yiri: “caqli fiyow wuxuu ku jiraa jir fiyow”

3.     Mid qayb libaax ka qaata nabadda & la dagaalanka qaadka & qabyaaladda.  Isboortigu waxaa ka dhasha isdhexgalka bulshada dalka ku wada nool, wuxuuna la dagaalamaa dhammaan anshaxa xun.

4.     Wuxuu maareeyaa waqtiyada dhallinyarada soo koreysa oo uu dhismo maskaxeed iyo jireedba siiyaa.

5.     Wuxuu wadajir ka dhex abuuraa dhiirigeliyayaasha Isboortiga.

6.     Wuxuu isbadel weyn ku sameeya, kobcin dhaqaalena u sameeyaa bulshada Soomaaliyeed oo noqda dadka ka faaideysta u adeegga dadka maamulayaa, cayaaraya ama daawashada u tagaya garoomada lagu qabanayo cayaaraha.

Iyaga oo qiraya doorka muhiimka ah ee uu isboortiga ka ciyaaro horumarka bulshooyinka, Ururka Qaramada Midoobay u qaabilsan Waxbarashada, Sayniska, iyo Dhaqanka ee (UNESCO) waxa ay qoreen: “Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in uu helo tababarka jirka iyo isboortiga kuwaas oo muhiim u ah horumarka shakhsiga ah. Sidaas darteed tababarka jirka iyo isboortiga waa in lagu daraa manhajka & nidaamka waxbarasho iyo qaybaha kale ee nolosha mujtama guud ahaan.

2.    Caqabadaha hortaagan Isboortiga Soomaaliyeed

Caqabadda ugu wayn ee haysata isboortiska Soomaaliyeed:

1.      Waa aqoon darrada & tayo xumida maamulka Saree e hoggaaminta Wasaaradda, maamulayaasha isboorts ee Naadiyada ilaa heer tuullo , tababarayaasha, garsoorayaasha & hawl wadeenada isboortiga Soomaaliyeed.

2.     Waxaa ka mid ah amni darrada wadankeena ka jirta.

3.     Wada shaqayn la’aanta ka dhex jirta GOS, Xiriirada Soomaaliyeed ee cayaaraha kala duwan, & waliba hay’daha Isboortiga ee dawladda, maadaama aysan jirin hab qoraal ah oo cad oo ay ku wada shaqeeyaan.

4.     Ansixinta iyo hirgalina Siyaasadda Isboortiga ee Qaranka Soomaaliyeed (SIQS) oo aan diyaarinay aniga iyo Prof. Musse Mohamed Nasir oo u baahan in la horgeeyo Golaha Wasiirada si loo ansixiyo.

5.     Waa in Dugsiyada Hoose,dhexe, Sare & Jaamacadahaba laga hirgaliyaa maadadii Physical Education oo ay manhajka ka mid noqotaa ayadoo loo tababarayo macallimiintii hirgalin lahaa, kaasina aan qorney oo la daabacay Grade 1-12.

6.     Waa in tabaabusho dheer loo sameeyaa cayaartooyda heer Qaran ee waddanka magaciisa kaga qayb galaya tartamada Caalamiga ah.

7.      Waxaa lagu guul daraystay in isboortiga loo qoondeeeyo dhaqaale loogu talo galay, ama inta loo hayo si habsami ah oo Alle ka cabsi ah loo maamulaa.

8.     In la helo aqoonyahano ku takhasusay cilmiga isboortiga, sida dawaynta ciyaartoyda iyo tababarayaasha, nafaqaynta ciyaartoyda, iwm.

9.     In la nidaamyo cusub oo lagu maalgelinayo horumarinta isboortiga Soomaaliyeed (Innovative Fundraising for sports Development).

10.  In la dhamaystiro fulinta & hirgalinta Qorshaha Siyaasadda Isboortiga ee Qaranka Soomaaliyeed (SIQS) ee Dawladda Federaalka Soomaaliyeed (DFS). Waa in la diyaariyo lana fuliyo daraasado cilmibaaris ah oo lagu ogaanaayo xaaladda hoose ee uu ku sugan yahay isboortiga dalka iyo baahida horumarineed ee ka jirta dalka.

11. Waa in ahmiyad xoog leh la siiyaa sidii ay dadku si cadaalad ku jirto uga qayb qaadan lahaayeen barnaamijyada isboortiga.

3. Hiigsasho

Waxaan hiigsanaynaa in Isboortiga Soomaaliyeed uu noqdo mid u qaabaysan sida Isboortiga dalalka adduunka ee hore u maray oo aan u adeegsano la dagaalanka anshax aan hagaagsanayn, dhaqan xumada & fasahaadka dhallinyarada soo koraysa ragaadiyey, ee mustaqbalkooda saameeyey, maadaama dhallinyaradu ay yihiin mustaqbalka dalkeena.

4. Istraatiijooyinka lagu gaari karo Hiigsashada

In la hagaajiyo habka maamulka iyo fulinta isboortiga iyo ciyaaraha guud ahaan, si loo xaqiijiyo in si caddaalad ay ku jirto looga wada qayb galo ciyaaraha, isla markaasna wixii ka soo baxa si siman looga wada faa’idaysto.  Haddaba si arrimahaas loo gaaro waa in la raaco Istraatiijiyadda hoos ku qoran:

1.     In la hawl geliyo, hormuudna laga dhigo dadka Soomaaliyeed ee aqoonta Jaamacadeed u leh guud ahaan Isboortiga (Sports & Recreetion Academics), si loo hubiyo in muddo kooban lagu horumariyo isboortiska Soomaaliyeed iyada oo aqoonta casriga ah la adeegsanayo.

2.     In la helo Soomaali tiro badan oo mujtamaca qaybahiisa kala duwan ka kooban oo heer kasta iyo nooc kasta uga qayb gala ciyaaraha isboortiga ee lagu tartamo (Sports Games) iyo kuwa aan lagu tartaminba (Recreational Games).

3.     Horyaalka dalku waa in uu noqdaa sanadle soconaya 8 - 9 bilood, oo waa in laga gudbaa tartanka caasimadda oo kaliya ku kooban oo loo gudbaa tartan magaalooyinka dalka oo dhan ay ka qayb galaan iyaga oo heerar kala duwan loo qaybinayo (Naadiyo magaca Gobolka ama Degmada waa ina la dhisaa oo laga gudbaa naadi ku sheegyada caasimadda kaliya ku sugan oo aan xiisaba lahayn).

5. Mabaadi'da Hagaysa Isboortiga

Isboortiga waa in uu ahaadaa ficil laga qaado farxad iyo rayan rayn, lana oggolaado guusha & guul darrada oo lala yimaado ciyaartoynimo dhab ah (Sportsmanship):

1.      Isboortigu waa in uu ahaado mid ku dhisan is-ixtiraam iyo caddaalad, oo waa in laga fogaado xanaaqa, aflagaadada, dagaalka & is waxyeelaynta.

2.     Isboortiga kobcinta jirka & maskaxda qofka ka sokow waa in lagu horumariyaa shaqsiyadda qofka (Personal Development).

3.     Isboortiga waa in uu noqdaa mid lagu barbaariyo akhlaaqda, waddaniyadda, kartida, hufnaanta, wadajirka & waxqabadka da’yarta Soomaaliyeed oo mustaqbalka noqon doona kuwa dalka hoggaamiya dhibaatadana ka saara.

4.     Isboortiga waa in uu qayb wayn ka qaataa horumarinta guud ahaan bulshada, waana in la gaarsiiyo wasaaradaha, iskuulaadka, jaamacadaha, Ciidamada iyo xarumaha dawladdaha hoose.

5.     Isboortiga wuxuu dhiirageliyaa in la hiigsado gaaridda natiijooyin sare oo caalami ah, waana muraayadda laga arki karo horumarka uu dal walba gaaray.

6.     Isboortiga waa in uu noqdaa mid u adeegaya danta guud, waana in loo adeegsado horumarinta caafimaadka shakhsiga & tan mujtamacaba.  Haddii taas la helana waxaa Qaranka Soomaaliyeed u baaqan kara kharash badan oo ku baxa guud ahaan caafimaadka.

7.      Isboortiga waa mideeye. Nidaamka isboortiga wuxuu faa’iido u yahay isku xirka qaranka oo dhan, iyo bulsho ka fayow fasahaadka iyo xagjirnimada.

Qaran Guulaysta

Qarankeenu si uu u noqdo mid tartamada caalamiga ah ka soo hooya guulo waxaa lagu gaari karaa iyada oo la fuliyo istraatijiyooyinka soo socdo:

1.     Si gaar ah gobolka Bariga Africa waxa uu caan ku yahay ciyaartooyda caalamiga ah ee ciyaraha Fudud, sidaas darteed annaga oo ka faa’iidaysnayna arrinkaas waa in ahmiyad khaas ah siinaa dhiiri gelinta cayaaraha keli kelida ah sida ciyaaraha fudud, Kubadda Miiska, Tenniska dheer, Dabaasha, Lagdanka iwm. Isla markaana la sameeyo barnaamij heer qaran ah oo lagu abaal marinayo ciyaartooyda ku guulaysta tartamadaas. Tusaale:

2.     In loo abuuro ciyaartoyda guud ahaan barnaamijyo lagu taageerayo, laguna kobcinayo xirfaddooda.

3.     In loo abuuro tababarayaasha, garsoorayaasha & macalimiinta tababaridda jirka (Physical Education), barnaamijyo sare loogu qaadayo aqoontooda.

4.     In loo abuuro tartamo joogta ah oo lagu qabto waddanka gudihiisa.

5.     In ciyaartooyda xirfadda sare leh loo abuuro fursado looga qayb galinayo tartamada caalamiga ah.

6.     In la dhiiri geliyo sidii ciyaartooyda Soomaaliyeed ee qurba joogta ah looga faaiidaysan lahaa Qaran ahaan, maadaama ay ka badbaadeen caqabadihii dagaalkii sokeeye ee ku habsaday dhallinyarada ku nool dalka gudihiisa.

7.     Waxaa kale oo loo baahan yahay in sare loo qaado heerkii ay Soomaaliya ay ku lahayd isboortiga waddamada caalamka, khaas ahaan Cayaaraha Fudud iyo Kubadda Koleyga.

7. In la abuuro Jawi dhiirigeliya horumarinta Isboortiga

Si loo helo qaran ay ummadiisu firfircoonaato isla markaasna soo hoyso guulo faro badan, waxaa lama huraan ah in la abuuro jawi suurta gelinaya in la gaaro hiigsigaas. Jawiga suurta gelinaayo hiigsigaasna waxaa lagu heli karaa iyada oo la fuliyo istraatijiyooyinka soo socdo:

1.     In la helo garoomo isboorti oo tiro iyo tayo ahaan ku filan ummadda, isla markaasna loo hagarbaxo dayactirkooda.

2.     In la abuuro sarena loo qaado fursadaha dhiiri gelinaya ka qayb qaadashada isboortiga, sida abuurista iyo isku xirka naadiyada isboortiga ee laga dhiso dhammaan 18kii Gobol ee waddankeenu ka koobnaa.

3.     Sare u qaadid awooda dadka sida tabaruca ah ugu adeega danaha isboortiga.

4.     In laga faaiidaysto xiriirada beesha caalamka, sida xiriir lala sameeyo Xafiiska u Qaabilsan Isboortiga lagu gaaro Horumar iyo Nabad ee Qaramada Midoobay (UNOSDP).

5.     In la helo loona maamulo si hufan dhaqaalaha isboortiga, qoonda % dhaqaalena laga siiyo Naadiyada, garsoorayaasha iyo xiriirada maamulayaba.

6.     In laga mira dhaliyo faaiidooyinka iyo saamaynta ay leeyihiin aaladaha warbaahinta, si loogu adeegsado horumarinta isboortiga.

7.     In laga mira dhaliyo faaiidooyinka iyo saamaynta ay leeyihiin hay’adaha ganacsiga ee lagu xayeesiiyo goobaha lagu qabto tartamada isboortiga, si loogu adeegsado horumarinta isboortiga.

7. Gunaanad iyo Talo-Bixin

Ugu dambayntii, si guul looga gaaro qorshe siyaasadeedka isboortiga, oo ku salaysan Hiigsiga ah:

1.     In la helo Qaran dadkiisu ee ay maskax & jir caafimaad qaba leeyihiin. Qaran Soomaaliyeed oo dadkiisu ay firfircoon yihiin, isla markaana kartidooda tartan ee isboort ay aad u sarayso. 

2.     In la helo qaran Isboortiska loo dhan yahay (Sports for all) oo si joogto ay u kordhayaan tirada dadka ka qayb qaata ciyaaraha kala duwan ee isboortiga.

3.     In AHMIYADDA 1aad la siiyo dhiirgelinta cayaaraha kelikelida ah. 

4.     Qaran qaddarin sare ku leh caalamka dhexdiisa oo ciyaartoydiisu guulo badan ka soo hoyaan tartamada caalamka.

Haddaba, si arrinkaas kor ku xusan loo xaqiijiyo, waxaa lama huraan in si hagar la’aan ah loo fuliyo tallaabooyinka hoos ku taxan:

1.     In si cad oo aan mugdi ku jirin loo fahmo in Wasaaradda Dhallinyarada & Isboortiga (WDhI) ay tahay hay’adda ugu sarreeysa wadanka ee u xil saran siyaasadda lagu maaraynayo Dhallinyarada & Isboortiga.

2.     In wadatashi buuxa lala sameeyo haya’daha dawliga ah iyo kuwa madaniga ah oo ay khusayso arrimaha isboortiga iyo dhallinyarada, si ay u fududaato wada shaqaynta iyo ka miro dhallinta qorshaha fog ee siyaasadeedka isboortiga oo ah in isboortiga qayb libaax ka qaato horumarinta amniga iyo dhaqaalaha dalka.

3.     In ay Wasaaraddu xaqiijiso in qorshooyinka iyo ficilada lagu horumarinaayo isboortiga iyo dhallinyarada aan lagu koobin magaalooyinka keliya, oo la gaarsiiyo tuulooyinka iyo baadiyaha oo dhan.

FIIRO GAAR AH;

Waxaan ku kalsoonahay madaxad Saree e Madaxweyne, Raisal Wasaare, ku xigeen iyo la Taliye Raisal Wasaare xagga arrimaha Bulshada inaad tallooyinkaas aad si habsami ah u eegi doontaan, ayadoo aan diyaar u ahay inaan iska aragno haddii aad faah faahin dheeraad ah aad u baahan tihiin.

Wa Bilaahi Tawfiiq.



 





Click here