4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Dumarka Soomaaliyeed: 2016 Shaqsiga Sannadka ee HOL

Madaxweyne Obama: “ Guusha qaran kasta waxaad ka milicsan kartaa sida ay ula dhaqmaan dumarkooda iyo gabdhahooda”

Hiiraan Online
Thursday, January 12, 2017

Durmarka Soomaaliyeed waxy dhbarka  u dhigteen dhibaatooyin badnaa ee dalku soo maray, laga soo bilaabo Xaawo Taako iy ilaa iyo Saado Cali Warsame. Waxay nafteeda u hureen in ay helaan xuquuqdooda. Dadaalkooda ayaa wuxuu sababay in sannadkaan ay golaha sharci dajinta ku yeeshaan ilaa 67 xildhibaan. Waxaa taas weheliya in Gabadhii Soomaalieed ee ugu horaysay laga doorto dalka Maraykanka gobolka ay Soomaalidu ugu badan tahay ee Minnesota. Tafatirayaasha Hiiraan Online ayaga oo tixgalinayo dadaalkaas dheer waxay Shaqsiga Sannadka u doorteen Dumarka Soomaaliyeed.


Taaladda Xaawo Taako (B) iyo Saado Cali Warsame (M)


Cabdi Xoosh oo ah sharci-yaqaan kana tirsanaa xildhibaanadii loo doortay baarlamaanka Soomaaliya ee 2012 ayaa qoraal ku sheegay sida ay dumarka Soomaaliyeed  isu abaabuleen sida dhallinyarada iyo ururada bulshada si ay u xaqiijiyaan in ay ka dhex-muuqdaan madasha siyaasadda ee qaranka.

Halkankaas ay dumarka soo galeen ma aha mid sahlan.

Sannadkii 2008, waxaa goob fagaara ah dhagax nafta looga qaaday Caasha Ibraahim Dhuxulow, ayadoo  Caasha ay cod dheer ku sheegaysay in la kufsaday, hayeeshee maamulkii al Shabaab ayaa ku fuliyey xukunkaas dilka ah ah. Arrintaas waxaa aad uga xumaaday bulshaweynta Soomaaliyeed gaar ahaan dumarka Soomaaliyeed, hayeeshee kama niyad jabin sii wadida halgankooda xaq u dirirka ahaa.

Bishii Juun, 2016, saddex nini oo hubaysani ku toogteen  Sagal Salaad Cusmaan oo ahayd wariye Soomaaliyeed iyo arday Jaamicadeed,  todoba bilood ka hor, waxaa sidoo kale Bumbo loogu xiray kursiga baabuurkeeda, wariye Hindiya Xaji Maxamed.

 
Sagal Salaad Cusmaan (B) iyo Hindiya Xaaji Maxamed (M)

2014kii, waxaa si waxashnimo ah loo dilay Xildhibaan Saado Cali Warsame, islamarkaasna ahayd fanaanad caan ah. Dhimashidii Saado ma hakin halgankii dumarka Soomaaliyeed. Waxayna sababtay in gabdho badan ay ka soo muuqdaan masraxa siyaasadda sida Ilhaan Cumar oo loo doortay golaha sharci-dajinta ee gobolka Minnesota oo ay Saado Cali Warsame in muddo ahba ku nooleed. Waxaa sidoo kale xusid Ilwad Elman oo ah halgamaa u doodda xuquuqda dumarka iyo carruurta ayaa sannakan ku guuleysatay  “2016 African Female Youth of the Year”


Ilhaan Cumar (B) iyo Ilwad Elman (M)


Fowsia Yusuf Xaji Aden ay noqoto gabadhii ugu horaysay oo qabatay xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya. Taase waxay kalsooni buuxda ku abuurtay dad badan gudaha iyo dibaddaba oo garowsaday in gabdhaha Soomaaliyeed hogaamin karaan qaranka Soomaaliyeed.

Yusur Abraar oo loo magacaabay Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya, ayaa 18 maalmood guduhood isku-casishay, waxayna astaan u noqotay la dagaalanka musuqmaasuqa iyo boobka hantida qaranka.

Garyaqaan Muna Sharmaan ayaa waxaa si weyn loogu xasuustaa doorkii ay ka ciyaartay difaaca khilaafka Xuduudka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo kenya. Muuna Sharmaan waxay hogaamineysay kooxdii garyaqaanada ahaa ee uga hor-doodayey Maxkamada Cadaaladda ee adduunka (International Court of Justice).


Faaduma Jabril (B), Dr. Xaawa Cabdi (Dh) iyo Edna Adan Ismaaciil (M)


Dr. Xawa Cabdi oo ahayd 'Shaqsigii Sannadka ee HOL 2007' ayaa waxay dhistay isbitaallagu daaweeyo 250 haween ah maalintii sidoo kale Edna Adan Ismaaciil waxay Hargeysa ka hirgalisey isbitaalka dhallaanka iyo haweenka.

Faaduma Jibriil oo ah aasaasaha hay’adda ADESO ayaa ku guuleysatay abaal marinta badbaadada deegaanka ee Qaramada Midoobi (UNITED NATIONS'S CHAMPION OF THE EARTH AWARD). Faduma Jabriil waa qofkii ugu horreeyey oo tuuluuyinka ka hirgalisa awoodda cadceeda oo loo isticmaalo karinta cuntada


Iimaan Elman waa Kaptan ka trisan ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed (B) iyo G/dhexe Sakiya Xuseen oo ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed.


Waxaa sidoo kale xusid mudan hay’adaha Elman Peace and Human Rights, IID (Women’s Development Organization) iyo ururka u dooda sinaanta dumarka ee SGEM ayaa isu abaabulay in ay xaqiijiyaan xuquuqda dumarka Soomaaliyeed. Dadaalkoodii wuxuu suuragaliyey in doorashada dadban ee sannadka haweenku ku yeeshaan ku dhawaad 30% xildhibaanada sannadkan. Waana tiradii ugu badneyd ee dumarka Soomaaliyeed ee soo gala galaha shacabka Soomaaliyeed.

Hiiraan Online waxay hambalyo iyo bogaadin u soo jeedinaysaa guud ahaamba madaalayaasha Haweenka Soomaaliyeed sida ay ugu adkaysteen ka mira dhalinta halgankooda, gaarahaan kaalinta ay ka galeen Doorashadii baarlamaanka ee 2016ka. Waxaan kaloo taageeraynaa kaalinta raga Soomaaliyeed ay mar kasta lagarab taaganyihiin barbaarinta gabdhahooda si ay kaalin mug leh uga qaataan horumariinta bulshadooda si la mida ah horumarka ay wiilashooda la jecelyihiin

Halkaan ka aqriso shaqsiyaadkii horay ugu guuleystay




 





Click here