4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
CABASHO IYO DIGNIIN


Luul Araweelo Kulmiye
Monday, December 5, 2016

Ku: Madaxweyanaha Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Raysul Wasaaraha Koowaad (DFS), Mudane Cumar Abdirashid A. Sharmaarke. Madaxweynahay Maamulka Galmudug, Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed.                                                                                 

Aniga oo aan xadgudbayn, cid u gafayn, dulmi iyo dacaayad wadin oo xaqiiq xiganaya ayaan waxaan mudanayaal idin xasuusinayaa xilka aad innoo sidaan iyo waajibaadka ku aslaysan oo ay muuqato in aad si uga yara gaabinaysaan.

Waxaa macquul ah in aad dhiban tihiin oo arrimaha dalka iyo dadka aad u fulin lahaydeen la idinku cadaadiyay oo xal raadis aad godob ku gelaysaan oo ay idin baday "sidee xeero lagu xagtaa, oo ilko ku nabad galaan"!

Aniga oo taas garawsan ayaa waxaa ii muuqda in aad haddanna leedihiin, Eebbaa awood leh e, awood aad ku maaraysaan wacyiga jira iyo doorashada socota. Waxaa marag ma doonta ah in aad dadaalaysaan aadba meelo qaar ka gaabisiine. Waxaan u gol leeyahay oo aan u gogol xaarayaa oo haddana si gaar ah uga dhiidhisanahay ayada oo ay walaacinayso doorashadan dadban iyo doorka haweenka sida aad u maamulaysaan ayaa hadalkeyga gundhigiisu yahay tan maamulka GALMUDUG.

Waxaan ognahay in 11 kursi ay haweenku ku leeyihiin maamulkan. Waxaa cad in maamulku dadaalay oo ilaa hadda 7 xildhibaan oo haween ah la soo doortay. Waxaa iyanna cad in 4 xildhibaan oo kuraastii haweenka ah ay maqan tahay weli. Haddaba 4tan kursi ayaa qayb u leh oo Qaranka u soo dooraya xildhibaanadii bulshada ku meteli lahaa goloha shacabka?

1) Kuraasta mid waxaa qayb u lahaa beesha Saleebaan oo ayagu nin u doortay kursigii lagu waday in haweenay loo doorto. Waxaan garwaaqsanahay in beeshu xaq u leedahay doorashada shaqsi ay ku qanacsan yihiin oo shacabka ku dhex matala. Waxaanse ka biyo diidanahay in beelwayntani haweenkii, haba diidaano mid`e aysan gabar kale doonin oo ay door bideen nin! Waa hubaal in haween halyeeyo ah oo beeshu ku hiran karto ay ka dhasheen, kunna jiraan inta ku abb iyo isir tirsata beeshan magaca iyo maamuuska leh.

Hadda iyo dan beeshani waa ay gabood fashay! Waxaanse xoojinayaa oo taageerayaa Guddiga Federaalka ee Doorashooyinka Dadban (GFDD) in ay war-murtiyeed ku sheegeen in aysan ansixin doonin mudanaha loo soo doortay xubintan beesha. Aan hoosta ka xariiqee, mudanaha la doortay ma mucaaradsani shaqsiyan, ee waxaan tibaaxayaa waa xaqiiq ku taagan xeerar lagu ansixiyay Madasha Madaxda Qaran. 

Waxaa igu maqaalo ah 3da kursi oo kale oo ku maqan Maamulka Galmudug in ay si qaas ah ugu maqan yihiin saddexdan beelood: Bah Darandoole/Mareexaan, Wacayle/Abgal iyo Cayr/Habargidir!

2) Haddii ilaha aan ka warqaado aysan qaldanayn waxa ay sheegayaan in beelwaynta Mareexaan ay gabadho oo keliya u tartansiinayaan kursigooda, waxaan leeyahay beeshan, waad mahadsan tihiin ee xantiinnan mid aad xayndaabtaan oo xanibtaan yeeysan noqon, guulaysta.

Waxaa sharaf iyo xilqaan aan u arkaa in beelweynta Abgal oo nus-qarniga colaaddu asqaysay dalka aan haween u dooran xildhibaannimo ay maanta dhowr soo doorteen, oo cod aqlabiyad leh siiyeen haweenkaas, taas waan ka bogaadinayaa. Waxaase dhiilo iyo dheg uma roona ah in la leeyahay beelaha Wacayle iyo Cayr, 2da kursi oo taalla Galmudug ee ay qaybta u leeyihiin oo haweenka qaybtooda ka midka ah, ay u soo wadaan rag oo keliya! Taasi ma toosna! Waxayna tusaysaa haweenka in afka laga boqrayo, boqontanna la jarayo oo bulshadu afgobaadin iyo xaqrid mooyee haween wax u ogolayn!!

Nuxurka maqalkayga yuusan ku reed marin! Gunta ka qaado oo ogsoonaw in Luul Araweelo aysan mucaaradsanayn horumarka shaqsi, maamul iyo beel gaar ah ee waxa aan tibaaxayaa waa xaqiiq ku taagan xeerar lagu ansixiyay Madasha Madaxda Qaranka oo qalinka ku jiiday in la laali doono kursiga beesha 3dii xubinba, mid ka yeelli wayda haween.

Madaxdooy waxaan idiinka digayaa in aad ka dhabeyn waydaan xeerarkii idinka oo miir iyo maanba kaashanaya aad qalinka ku jiideen! Ugu danbayn waxaan idinka dalbayaa in xeerarkaasi aysan sasab afka ah noqon. Qowlkiinu qaayo ha yeesho oo ha burinna mudanayaal ballantaad haweenka Soomaaliyeed u qaadeen, waad mahadsan tihiin.

Dardaaran:

Eebbe innoo sidqee Carshiga ciid tan ugu wanaagsan ee Caqliga irdaha loo owday ha la balaqo, si uu ugu shaqeeyo caalir iyo ciil wax aan abuurin oo dadka iyo dalka la tacaala!


Luul Araweelo Kulmiye
Ka shaqaysa: Waxsan
Tebisa: Warsan
Tiraabta: Weersan
[email protected]
Oslo, Norway


 





Click here