4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Xukuumadda & Baarlabaanka Soomaaliya oo GABAY howlihii loo idmaday

Ismail D. Osman
Wednesday, May 13, 2015

Waxaa shalay oo taariikhdu ahay bish May 12, 2015 uu ku dhawaaqay Guddoomiyah Baarlabaanka Somaliya Mudan Maxamed Sh. Cusman Jawaari in sida ugu dhaqsaha badan loogu soo celiyo gacanta dowladda furihii waddanka (Country code +252).

Arrintan uu ka dhawaajiyay guddoomiyaha, isla markaana uu ku amray in lagu soo celiyo gacanta dowladda dhammaan isgaarsiinta muhiimka ah, waa mid aad loogu farxo. Balse maxaa keenay hadda in lagu baraarugo.

Waxaa akhristoow muhiim ah in aad ogaataan waa maxay isgaarsiinta maxalliga ah ee dowladda laga rabo in aay maamusho & habka loo maamulayo.

Waxaad moodaa in aay aad u yartahay aqoonta siyaasiyiinta Somaliyeed marka aay timaado istraatijiyada isgaarsiinta iyo habka laga raboo in loo maamulo.

Guddoomiyahay waxa uusan ogeyn in Xukuumadda iyo golaha baarlabaanka laga rabo sharciyaddii lagu maamuli lahaa dhammaan isgaarsiinta waddanka in aay keenaan, marsiiyaan, isla markaana dhaqan geliyaan.

La soo wareegidda furaha waddanka (Country Gateway +252) micnaheedu maaha in network iyo switches lagu maamulo GATEWAY aay dowladda gacanta ugu jiraan, ee waa in waddanka uu leeyahay sharciyaddii lagu xakameyn lahaa oo laga rabo inay soo diyaariyaan xukuumadda baarabaankana aay ansixiyaan.

Waa xaqiiqo in aaysan sharciyad ka jirin Somaliya marka aay timaado dhammaan isgaarsiinta telephonada, internetka, fiber optic cable, TV iyo Radiyaasha FM ah.

Taasina waxaa masuuliyadeeda leh oo gabay in aay sharciyeeyaan xukuumadda iyo baarlabaanka federalka Somaliya

Somali Government Infrastructure – Design Country Gateway +252


Waxaa weli ku jira gacanta GMO Domainkii waddanka (ccTLD) oo hadda noqday meel aay burcadda internetka aay aad u isticmaalaan.

Dowaladda Mareykanka waxaa aay ku biirisay Domainka Somalia (Dot.SO) kuwa aay isticmaalaan (Software Piracy) ama burcadda internetka. Taasoo ka tarjumeysa in Somalia aanay ka jirin wax sharci ah. Waxaa lagu qiyaasay lacagaha buradda ka sameeyaan domainka Dot.SO Somalia in ka badan $300 Milyan oo Dollar sanadkii.

http://ipezone.blogspot.com/2014/11/so-appropriate-kickass-torrents-takes.html

Tan iyo markii lagu bilaabay suuq geyn iyo iibinta ccTLD waxaa laga joogaa Afar sano iyo dheeraad, ilaa iyo haddana wax daqli ah oo ka soo galay waddanka ma jiro.  Tirada guud ee la iibiyay ilaa bishii April 2014 ee Dot.SO waxaa aay ahayd 435.670 domain name oo midka ugu yar lagu iibiyo $24 sanadkii. Haddii intaa lagu dhufto AFAR sano (4) waa adduun dhan $41.824,320. Yaa is weydiiyay halka aay lacagtaas ku baxday?

Haddaba Baarlabaanka sharafta leh ha ogaadeen la soo wareegidda furaha waddanka in aay micnaheedu tahay (SAMEEYA SHARCIGII ISGAARSIINTA) si marka aay sharci u noqoto isticmaalka aaladaha isgaarsiinta, isla markaana shirkadaha isgaarsiintu aay u bixiyaan lacaga canshuurta ah ee laga rabo.

U maleyn mayo in uu jiro ruux bixinaayo canshuur sharci darro ah.

Haddaba waxaa la gudboon DF ah in aay la timaado hannaan iyo sharciyad caadil ah oo lagu maamulo shirkadaha isgaarsiinta waddanka haddeey noqon laheyd, Telecom, TV, Radio iyo Internet (ISP)

Waxaan nahay waddan madaxbannaan; waxaa nalooga baahan yahay oo muqaddas ah seddexdaan tiir si aan u helno dowlad shaqeysa.

 

As a sovereign nation; there are three basic pillars of government to function properly

 

  1. Communication Infrastructure (Country Gateway 252 Country Domain “.SO” Ma jiro wax sharciya oo lagu maamuli karo, loogana qaadi karo canshuur.

 

  1. Financial Infrastructure “Central Bank”  Waddanka maba laha lacag oo waxaa la isticmaalo waa US Dollar.

 

  1. Executive Branch; Parliaments, Police Force, and Military. LAW and ORDER  - Magac ahaan ayey u jiraan

Ismail D. Osman

[email protected]



 





Click here