5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 9 , 2024
Faahfaahin ku saabsan sababta Soomaaliya aysan u doonayn sii jiritaanka xafiiska UNSOM
 

Khamiis, May, 9, 2024 (HOL) - Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga codsatay Qaramada Midoobay in aan dib loosoo cusboonaysiin waajibaadka xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

Dowladda Soomaaliya ayaa doonaysa in laga guuro Xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM), loona guuro Xafiiska Qaramada Midoobay ee caadiga ah.

Isbadalkan ayay dowladdu sheegtay inuu qeyb ka yahay istaraatiijiyad ballaaran oo Soomaaliya ay ku dooneyso in ay isku waafajiso qaab dhismeedka xiriirka caalamiga ah iyo kan wadamada kale ee madaxa bannaan.

Soomaaliya oo musharrax u ah kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 2025-26, ayaa aaminsan in aan loo baahnayn xafiiska siyaasadda ee Qaramada Midoobay oo ka baxsan waajibaadka hadda jira.

Loolanka kursigaas ayaa muujinaya sida ay Soomaaliya uga go’an tahay ka qayb qaadashada wada-hadallada nabadda iyo amniga adduunka, sida uu sheegay sarkaal katirsan howlgalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay.

Sarkaalkan ayaa sheegay, in Soomaaliya aysan codsan in la xiro xafiiska Qaramada Midoobay, balse taas beddelkeeda ay raadineyso hawlgal caadi ah oo Qaramada Midoobay ah oo la mid ah kan ka jira waddamada kale.