5/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 3 , 2024
Wasiir Daa'uud Aweys "Waxaa naga go’an Ilaalinta Xorriyadda Saxafiga iyo xaqa Xog helista”
 

Jimco, April, 3, 2024 (HOL) - Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda federaalka Soomaaliya Daa’uud Aweys jaamac ayaa ugu hambalyeeyay  Saxaafiyiinta Soomaaliyeed dabaal dega maalinta caalamiga ee xorriyadda saxaafadda oo sanad walba maanta oo kale loo dagaal dego.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa ugu horeyn maalintaan qiimaha gaarka ah u leh Saxafiyiinta Soomaaliyeed darteed ku bogaadiyay shaqada adag oo ay u hayaan dadka iyo dowladda Soomaaliyeed

"kaalinta wax ku ool ah ee nolosha bulshada, run sheegista, daah furnaanta, iyo dimuqraadiyadda, waxaan qirayaa in doorkiina wacyi dhiska dadweynaha uu yahay mid muuqdo oo lagama maarmaan ah" ayuu yirri Wasiirka Warfaafinta Daa’uud Aweys Jamaac.

Daa’uud Aweys ayaa sidoo kale ka dalbaday Wariyaasha Soomaaliyeed in kaalin weyn ay ka qaataan wacyigalinta dhibaatooyinka ka dhasha isbeddelka cimilada oo si weyn u saameeyay dunida oo dhan, islamarkaana Soomaaliya ay ka mid tahay dhibanayaasha isbeddelka cimilada deegaanka.

Wuxuu sidoo kale xusay Wasiirka in dowladda Soomaaliya ay ka go'an tahay ilaalinta xorriyadda, badqabka saxaafadda, hubinta daah furnaanta iyo xaqa xog helista wariyayaasha Soomaaliyeed.

“Waxaa ajande weyn inuu ah taageerada iyo dhiiragalinta warbaahinta, ka dowlad ahaan waxaa naga go’aan in aan kor u qaadno tayada warbaahinteena iyo tababarada ay helaan suxufiyiinta, waxaan aaminsanahay wariyayaal tababaran oo wacyi ahaan dhisan in ay muhiim u yihiin dowlad wanaagga iyo horumar waara oo waddankeenu gaaro” ayuu yiri Wasiir Daa'uud Aweys Jaamac.

Ugu dambeyntii Wasiirka ayaa sheegay in dhismaha Golaha Warbaahinta Qaranka oo ay dhawaan meel mariyeen Golaha wasiirada iney tahay talaabo horseed u noqon karta in la xoojiyo daah furnaanta iyo isla xisaabtanka  sida dowladdu uga go’an tahay xoojinta warbaahinta iyo dhiiragalinta dhaqan galinta mabaadi’da iyo anshaxa suuban ee Saxaafadda.