5/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 3 , 2024
Booliiska gobolka Banaadir oo gacanta kusoo dhigay rag ku eedeysan dil loo geystay Wiil yar
 

Jimco, April, 3, 2024 (HOL) - Taliska ciidanka Booliiska gobolka Banaadir ayaa shaaca qaaday iney gacanta ku soo dhigeen rag ku eedeysan dil ay horey ugu geysteen Wiil Arday ahaa.

Ragaan Booliiska gobolka Banaadir uu gacanta kusoo dhigay ayaa ka kooban 3 ruux oo mid ka mid ah uu yahay askari ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo ku eedeysan dilka Cabdullaahi Cabdi Isaaq oo 18 jir ahaa.

Eedeysanayaashaan Booliiska gobolka Banaadir uu gacan kusoo dhigay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Cabdi Axmed Cadow, Farxaan Aadan Nuur iyo Axmed Maxamed Raage oo loo yaqaano Qataatow oo ah askariga ciidanka xoogga dalka.

"Qeybta Guud Ee Gobolka Banaadir Ayaa Gacanta Ku Soo Dhigay Edeysanayaal Horay Dil Ugu Geystay Marxuum Cabdullahi Cabdi Isxaaq Oo 18 Jir Arday Ahaa Kuwaas Oo In Mudda Ah Lagu Raad-Joogay. Waxeyna ku eedeysan yihiin dil ka dhacay taariikhdu markeey ahayd 10-APRIL-2024, Abbaaro 11:45PM, habeenkii ciidul fidriga la sugayey degmada deyniile gaar ahaan Eeriya Ceel-dacas oo u dhow deegaanka G/baaley halkaas oo xabado lagula furay gaari borobakis ah oo soonahaas maraayay, waxaana falkaas arxan darada ah ku geeriyooday marxuum Cabdullahi Cabdi Isxaaq oo 18 jir arday ahaa" ayaa lagu yiri war kasoo baxay Taliska qeybta guud ee Booliiska gobolka Banaadir.

Qoraalka kasoo baxay Taliska qeybta guud ee Booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ragaan si deg deg ah loo hor keeni doono Cadaaladda.