5/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 3 , 2024
Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga oo Xabsi ku yaala dalkaas ku booqday Soomaali ku xiran
 

Jimco, April, 3, 2024 (HOL) - Safiirka cusub ee dowladda Fedaraalka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Fatxudiin Cali Maxamed ayaa booqday mid ka mid ah xabsiyada ku yaala magaalada Ankara ee dalkaasi Turkiga oo ay ku xiran yihiin Muwaadiniin Soomaali ah.

Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiga uu booqday Danjire Fatxudiin ayaa ah kuwa ku eedeysan dambiyo kala duwan, wuxuuna Danjiraha u kuur galay xaalada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiga uu booqday.

“Maanta waxaa inoo suurta gashay inaan booqano mid ka mid ah xabsiyada ay ku xiran yihiin dhalinyaro Soomaaliyeed, kaasoo ku yaala magaalada Ankara, booqashada waxay qayb ka ahayd inaan u kuurgalno duruufaha ay ku sugan yihiin dhallinyaradaas, waxayna qayb ka noqon doontaa booqashooyin badan aan ku tagi doonno xabsiyada kala duwan ee ku yaala Turkiga” ayuu yiri Danjiraha Soomaaliya ee Turkiga Fatxudiin Cali Maxamed.

Wuxuu sidoo kale sheegay Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga in masuuliyad weyn ka saaran tahay wax u qabashada dadka Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiyada Turkiga.

"Innaga oo matalayna dowladda Soomaaliyeed waxa masuuliyad naga saaran in aan u doodno oo aan ka qabano dhibaato xadgudub ama dhibaato ah” ayuu yiri Danjire Fatxudiin Cali.

Danjiraha ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Turkiga iney dhowraan sharuucda wadankaasi u yaala.

Ugu dambeyntii muwaadiniinta Soomaalida ah ee ku xiran xabsiyada dalkaas ayaa ah kuwa u badan tahriibayaal iyo kuwa kale oo sharciyadii ay dalkaas ku joogeen ay ka dhaceen.