5/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 3 , 2024
Barakac xoogan oo maalintii labaad ka socda magaalada Baledweyne
 

Jimco, April, 3, 2024 (HOL) - Waxaa sii kordhaya dadka isaga barakacaya qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kadib daadad ka dhashay roobab saacado badan ka da'ay gudaha iyo daafaha magaaladaas oo ku soo rogmaday xaafadaha qaar.

Meelaha wali ay ka socdaan barakaca xoogan ayaa ka mid ah xaafada Kooshin, gaar ahaan laamaha Raadeerka iyo Kutiimbo oo ahaa neelaha sida weyn ay u saameeyeen daadadka ku soo rognaday gudaha magaalada Baledweyne.

Qoysaska maanta ka barakacaya xaafadahaas ayaa 24 kii saacadood ee lasoo dhaafay intooda badan ku dhex go'doonsana guryahoda, maadama ay heli waayeen jaanis ay uga soo dhex baxaan daadadka kuso rogmaday xaafadahooda.

"Walalow anagoo jiifna ayay biyaha dhinac kasto naga soo galeen, waxay ahayen biyo xoogan oo daqiiqao gudahood meel walba ku buuxinayay, marka fursad aan uga baxno maba helin caruurta waxaan dulsaaray saqafka kore ee daashka guriga halkaas ayuu waaga inoogu baryay, maanta nafis lagu dhexmarikaro biyaha ayaan helnay sidaas ayaan kuso baxnay oo Ceeljaale ayaan qax u ahay si aan uga nabad galo daadad kale oo sii dheer tahay cabsida Wabiga" ayuu yiri mid ka mid ah dadkii ku dhex go'doonay xaafada Kutiimbo.

Ugu dambeyntii dada Reer Baledweyne oo markii hore ku dhib qabay Fatahaada wabiga Shabeelle uu sanad walba ka sameeyo gudaha magaaladaas ayaa haatan waxaa ugu sii darsoomay iney barakacaan xili roobaad walba, maadama daadad ay kusoo rogmanayaan qaar ka mid ah Xaafadaha Baledweyne, mana jirto xiligaan wax dadaalo ah oo ay wadaan madaxda maamulada ku wada sugan Baledweyne ee kala Hiiraan State iyo Hirshabeelle oo ku aadan sidii looga hortegi lahaa fatahaadaha.