5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 10, 2024
Khabiirka xaquuqul insaanka Soomaaliya oo walaac ka muujisay khilaafka wax ka beddelka dastuurka dalka
 

Jimco, May, 10, 2024 (HOL) - Khabiirka Madaxa Banaan ee QM ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, Isha Dyfan oo soo gabagabeysay booqashadeedii saddexaad oo ay ku tagtay Soomaaliya, ayaa muujisay welwel ku saabsan is-afgarad la'aanta wax ka beddelka lagu sameeyay cutubyada dastuurka dalka.

Isha Dyfan, waxay ugu baaqday dhammaan dhinacyada inay mudnaanta siiyaan wadahadalada si loo ilaaliyo horumarka kor loogu qaadayo dimuqraadiyadda, ku dhaqanka sharciga iyo xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya.

Khabiirka Madaxa bannaan ayaa sidoo kale ugu baaqay beesha caalamka in ay sii wadaan kaalmadooda Soomaaliya ee ku aaddan “xoojinta hay’adaha Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada, iyo waaxda cadaaladda iyo amniga,” iyo “wax ka qabashada saameynta xun ee isbeddelka cimilada, gaar ahaan xaqiijinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada sida biyo-gelinta, bixinta caafimaadka iyo waxbarashada dhammaan carruurta”.

Waxay saxaafadda la wadaagtay qaar ka mid ah indha-indheyn horudhac ah ka hor inta aysan soo bandhigin warbixinteeda dhamaystiran ee Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay iyo Golaha loo dhan yahay dhammaadka sanadkan.

Booqashadeedii ugu dambeysay waxay ku qaadatay muddo shan maalmood ah magaalada Muqdisho, waxayna kulamo kala duwan la yeelatay wakiillo ka kala socday Dowladda Federaalka Soomaaliya, Bulshada Rayidka, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) iyo Hay’ado kala duwan oo Qaramada Midoobay ka tirsan.