4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 27, 2024
Hay'adda SODMA oo gargaar bani aadanimo u dirtay maamulka Jubbaland


Arbaco, Maarso, 27, 2024 (HOL) - Hay'adda maareynta iyo musiibooyinka qaranka Soomaaliyeed ee SODMA ayaa maanta u dirtay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose gargaar bani aadanimo oo gaaraya 4,000 oo tan.

Gargaarkaan ayaa loogu talo galay in la siiyo qoysaska danyarta ah ee ku nool magaalada Kismaayo iyo deegaanada kale oo ay ka jiraan xaaladaha bani aadanimo.

Masuuliyiin ka tirsan hay'adda SODMA iyo maamulka Jubbaland ayaa dekada weyn ee magaalada Muqdisho ka ambabixiyay doon lagu raray gargaarkaan loogu talo galay danyarta ku nool meelo ka mid ah Jubbaland.

Kaalmadaan gargaarka ah ayaa u badan Qamadi iyo Timir, taasoo ay dowladda Federaalka Soomaaliya dhawaan ugu deeqeen dowladaha Ruushka iyo Sacuudiga si loo gaarsiiyo dadka Soomaaliyeed danyarta ah.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay Hay’adda maaraynta iyo musiibooyinka qaranka Soomaaliyeed ee SODMA gargaar bani aadanimo u dirto deegaanada maamulka Jubbaland.