4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 26, 2024
Dab ka kacay xalay magaalada Jigjiga oo khasaare badan gaystay
 

Talaado, Maarso, 26, 2024 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Jigjiga ee Dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in Dab wayn uu habeenkii xalay ahaa ka kacay Suuq ku yaal magaalada Jigjiga, gaar ahaan kasoo horjeedka Hotel Xamda ee magaalada Jigjiga.

Sida Wararku nagu soo gaarayaan waxaa basbeelay oo baaba'ay dhammaan Meheradihii iyo Dukaamadii ku yaallay goobta uu Dabku ka kacay, sidoo kale Dabkan ayaa gaaray xaafado ka dambeeyay goobtan uu Dabku ka kacay kuwaas oo la sheegay in dadkii degganaa guryahaas ay ka barakaceen guryahoodii wixii alaab u badbaadi karayna ay kala baxeen.

Dab damiska magaalada Jigjiga oo wakhti kadib soo gaartay goobta uu dabku ka kacay iyo Shacabkii magaalada ayaa ugu dambayn ku guulaystay inay xakameeyaan dabka oo uusan ku fidin goobo kale, inkastoo xilliga uu dabku kacay ay ahayd xilli dadku ay jiifeen haddana Ilaahay idamkii waxaa lagu guulaystay in dabkii la xakameeyo walow uu khasaare badan uu gaystay Dabku Hanti badanna ay ku baaba'day.

Lama ogaan waxa sababay dabkan balse waxaa loo badinayaa dhinaca dab kacay dhinaca Korontada, waana goobtii labaad ee uu dab ka kaco magaalada Jigjiga intii lagu guda jiray Ramadaanta, iyadoo billowgeedii uu dab sidanoo kale uga kacay xilli habeen ah Suuq lagu magacaabo Suuqa Baradhada, halkaas oo ay ku basbeeleen Dukaano dhowr ah.

Wakhti sannad iyo dheeraad ah ayaa laga joogaa markii uu gubtay Suuqii weynaa ee magaalada Jigjiga ee loo yaqaanay Taywanka, xilligaas oo gabi ahaanba suuqaasi uu baaba'ay iyadoo dad badanna ay ku hanti beeleen, inkastoo xogaa lagarab istaagay dadkii wakhtigaa ku hanti beeley suuqaasi gubtay, haddana wali ilaa maanta waa mid taagan saameyntii ka dhalatay dabkaas.

Dabkan xalay ka kacay magaalada Jigjiga wali faahfaahin buuxda lagama helin, Dowladduna wali wax war ah kama soo saarin dabkaas xalay ka kacay Suuq ku yaalay kasoo horjeedka Hotel Xamda ee magaalada Jigjiga.