4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 25, 2024
Walaac laga muujinayo xaaladda badmaaxiyiinta u afduuban burcad badeedda haysta markabka MV Abdullah
 

Isniin, Maarso, 25, 2024 (HOL) - Budhcad badeeda Soomaalida oo 12-kii bishii March afduubtay markabka MV Abdullah, ayaa hadda ku hubaysan qoryaha darandooriga u dhaca, waxaana lagu soo warramayaa in ay rideen rasaas digniin ah, markii ay ciidamada badda Midowga Yurub ku soo dhawaadeen.

"Ku dhawaad 30 ilaa 35 burcad badeed hubaysan ayaa markabka dul saaran habeen walba, waxayna isku dayayaan inay cadaadis saaraan 23-ka badmaax ee la haysto, tan iyo markii markabka dagaal ee Midowga Yurub uu bilaabay inuu kusoo dhawaado markabka MV Abdullah.

Shaqaalaha markabka ayaa loo diiday in ay ku sii jiraan qolalka, biyaha macaan ee markabka ayaa hadda gabaabsi ah, maxaabiista waxaa soo wajahay dhibaato dhanka isticmaalka biyaha ah, sidoo kale waxa ay la kulmayaan caqabado dhanka cuntada ah.

Dhinaca kale, shirkadda iska leh markabka ayaa weli ku adkaysanaysa inay kasoo horjeedaan olole kaste oo hubaysan oo lagu qaado markabkooda oo ay haystaan burcad badeed hubaysan.

"Waxaan ka warhaynnaa baraha bulshada in markabka dagaalka ee Midowga Yurub, helikobterrada roondooyinka, iyo joogitaanka ciidamo aad u hubeysan oo ku hareeraysan markabka MV Abdullah. Laakiin ma taageerayno olole kasta oo hubeysan oo wax u dhimaya badbaadada badmaaxiintayada," ayuu yiri afhayeenka kooxda Kabir Mizanul Islam.

“Muhiimadayada ayaa ah in badmareenada ay si nabad ah ku soo laabtaan, annaga iyo dowladdaba waxaan ku wargelinay Midowga Yurub ama ciidamada badda Hindiya in aan rabno soo celinta shaqaalaheenna, mana jirto wax taageero ah oo aan u heyno wax kasta oo nolosha badmaaxiintayada khatar gelinaya,” ayuu raaciyay.