4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 22, 2024
Madaxweynahii hore ee dalka Sheekh Shariif iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo maanta gaaray Garoowe

Jimco, Maarso, 22, 2024 (HOL) - Madaxweynahii hore ee dowladda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland.

Sheekh Shariif iyo wafdigiisa ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe waxaa kusoo dhaweeyay madaxweynaha maamulkaas Siciid Cabdullaahi Deni, Wasiiro, Xildhibaano, masuuliyiin kale iyo dad shacab ah.

Ujeedka safarka uu ku tagay magaalada Garoowe madaxweynahii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu sheegay inuu halkaas kulamo kula qaadan doonaa madaxda maamulka Puntland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Labada masuul ayaa sidoo kale, la filayaa iney si gaar ah uga wada hadli doonaan xaalada guud ee siyaasada dalka, gaar ahaan arrimaha wax ka badalka Dastuurka oo haatan maraya meel aad u xasaasi ah.

Tagitaanka Sheekh Shariif ee Garoowe ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo shalay uu gaaray halkaasi Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminaayay oo si weyn loogu soo dhaweeyay Garoowe.

Puntland ayaa haatan u muuqata mid markale marti galineysa mowjadaha mucaaradka dowladda dhexe ee Soomaaliya, waxaana xusid mudan in Puntland ay laf dhabar u aheyd mucaaradkii dowladdii hore ee uu madaxweynaha ka ahaa Farmaajo.

Si kastaba ha ahaatee madaxweynayaashii hore ee dalka Shariif, Farmaajo iyo madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si isku mid ah uga soo horjeeda qorshaha wax ka bedelka Dastuurka, waxaana la filayaa in madaxdan go'aano kasoo saaraan arrimaha wax ka badalka Dastuurka.