4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 15, 2024
Wasiir Kayd: Itoobiya bad helimayso hadii ay na aqoonsan waydo

Jimco, Maarso, 15, 2024 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland D.R. Ciise Kayd Maxamuud, oo ku sugan Faransiiska ayaa sheegay in Somaliland iyo Itoobiya ay ku guda jiraan dhamaystirka is-fahamkii ay gaadheen.

Wasiirka ayaa sheegay in ilaa hada 2 qodob oo kamid ah heshiiska ay bulshadu ka warqabto, lakiin ay rajaynayaan in ay saxeexaan heshiis dadka reer Somaliland ayna ka qoomamoonin.

"Ilaa iyo hada qodobada la ogyahay ee heshiiska ku jira waxa kamid ah, in hadii Itoobiya ay Somaliland aqoonsan waydo in anaan saldhig badeed siinaynin anaguna, iyo in ay ugu yaraan 10% ganacsigeeda usoo leexiso Somaliland, waxaanu filaynaa in uu noqdo 30%, 100 ka sanno ee so socda wax aynaan ka qoomamayn ayaynu samaynaynaa" Ayuu yidhi Wasiir Kayd.

"Waddan walba oo aanu u sharaxno qadiyada Somaliland waxa uu odhan jiray horta waddan Afrikaan ahi haydin aqoonsado, dee waddan Afrikaan ah oo Itoobiya ka wayna garan maayo, markaa waa arrin uu Alle isku soo beegay,  Itoobiya bad helisamyso hadi ay na aqoonsan waydo" Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiir Kayd.

Waxa uu sheegay in is-fahamka labada dhinac uu yahay meel laga dhaqaaqayo, lakiin hada guddiyada farsamo ee labada dhinac ay ka shaqaynayaan samaynta heshiiska, isaga oo xusay in waxyaabo badani is badali karaan sida wakhtiga iyo sida Itoobiyada ay iskaga bixinayso lacagta kirada.

Waxa uu beeniyay wararka sheegaya in wararka sheegaya in shirkii Jabuuti kadib ay Somaliland go'aansatay in ay heshiis la gasho Addis Ababa, waxaanu sheegay in shirka Jabuuti 4 billood kahor ay bilaabeen ka shaqaynta is-fahamka Somaliland iyo Itoobiya, oo ay ahayd shaqo in badan socotay.

Guddida diyaarinaysa heshiiska dhinaca Somaliland, ayaa maalmihii u danbeeyay safaro ku marayay deegaanada xeebaha Somaliland, iyaga oo la kulmay dadwaynaha ku dhaqan Berbera, Ceel Sheekh, Borama, Lughaya iyo deegaano kale.