4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 14, 2024
Madaxweyne Xasan Sheekh “Mar walba cadowga waa la jabiyaa markaan wa ineysan dib ugu soo laaban khawaarijta deegaanada lagu jabiyo"
 

Khamiis, Maarso, 14, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta kulan ku saabsan dardar gelinta howlgalada dalka looga xureynaayo kooxda Al-shabaab la qaatay saraakiisha hoggaaminaysa howlgalada, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa ka qabsoomay xarunta Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, waxaana  madaxweynaha uu ku boggaadiyay howlaha adag ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed u hayaan saraakiisha iyo taliyaasha ciidamada qalabka sida, isagoona ka dalbaday in si deg deg ah u soo afjaraan xureynta deegaanada ay dalka kaga harsan yihiin kooxda Al-shabaab.

Madaxweynaha Sheekh ayaa sheegay in si adag la isugula xisaabtamayo arrimaha la xiriira dagaalka, maadaama uu aasaas u yahay jiritaanka dowladnimada Soomaaliya.

“Mar walba cadowga waa la jabiyaa. Markaan waxaan rabnaa in aysan dib u soo laaban khawaarijta deegaannnada lagu jabiyo, waxaan dooneynaa in cadowga goobaha laga saaro la hubiyo si aysan dib ugu soo noqon” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in dowladiisa ay ka go’an tahay la dagaalanka iyo ciribtirka kooxda Al-shabaab, isagoona ku amaanay shacabka Soomaaliyeed doorka wanaagsan ay ka qaadanayaan dagaalka dalka looga xureynayo kooxda Al-shabaab.

Kulankaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo maalmo ka hor ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay dib uga soo baxeen deegaano dhowr ah oo ku yaala Koonfurta gobolka Mudug, halkaas oo ay dib ugu soo laabteen kooxda Al-shabaab.