4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 14, 2024
Dagaal saacado badan qaatay oo ka socda gudaha magaalada Baledweyne
 

Khamiis, Maarso, 14, 2024 (HOL) - Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa ka socda dagaal qaatay mudo ka badan 6 saacadood, kaasoo u dhaxeeya ciidamo kala taabacsan Hirshabeelle iyo Hiiraan State.

Dagaalka ayaa bilawday Xalay abaare 11:00 habeenimo kadib markii ciidamada Hirshabeelle ay weerar ku qaadeen fariisimo Hiiraan State ku leedahay gudaha xerada Lamagalaay.

Inta la xaqiijiyay dagaalkaan saacadaha badan qaatay ee mararka qaar si goos goos ah u dhacayay waxaa ku geeriyootay ilaa 6 ruux oo isugu jira dhinacyada dagaalamay iyo dad shacab ah oo rasaastu ugu tagtay guryahooda xili ay hurdayeen.

Ciidamada maamulka la baxay Hiiraan state ayaa haatan wali gacanta ku haya xarumahii maamulka gobolka iyo kan degmada Baledweyne, halka kuwa Hirshabeelle ay ku sugan yihiin Saldhiga degmada Baledweyne iyo nawaaxigiisa.

Dagaalkaan ayaa kusoo beegmaya maalin kadib markii ay isaga guureen ciidanka Jabuuti  fariisimahii ku laheyeen xarumaha maamulka gobolka iyo kan degmada, waxaana labada dhinac ay ku dagaalamayaan gacan ku heynta goobahaas.