4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 13, 2024
SSC Khaatumo oo dacwad ka dhan ah madaxda Somaliland u gudbisay Maxkamada Dabiyada Dagaalka
 

Arbaco, Maarso, 13, 2024 (HOL) - Hoggaamiyaha SSC Khaatumo Cabdiqaadir Aw Cali Firdhiye, ayaa sheegay in ay dacwad dambiyo dagaal ah uu ka gudbiyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, iyo saraakiil kale.

Firdhiye ayaa sheegay in ay ka shaqeeyeen in Maxkamad lasoo taago Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Wasiirkii hore ee gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye, Taliyaha Millateriga Somaliland Nuux Ismaaciil Taani, Taliye Mahad Cambaashe iyo 6 sarkaal oo kale.

"Waxaanu ka hawlgalnay in dadkii danbiyada gaystay ay cadaalada arkaan, kuwii loo gaystayna ay arkaan danbiilayaashii oo cadaalada loo sii kaxaynayo, hawshan fulinteeda waxa ka hawlgalay garyaqaano reer SSC ah" Ayuu yidhi Firdhiye.

Waxa uu sheegay inay ururiyeen caddaymo muujinaya danbiyo dagaal, kuwaasi oo uu sheegay in 11, February, 2024 uu isagu amray in loo gudbiyo Maxkamada Caalamiga ah ee Dabiyada Dagaalka.

Shakhsiyaad kan ayuu Firdhiye ku eedeeyay in ay dambiyo dagaal ka gaysteen magaalada Laascaanood intii uu socday dagaalkii u dhexeeyay Millateriga Somaliland iyo Ciidamada SSC Khaatumo.