4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 12, 2024
Burcad badeedda Soomaalida oo qafaashay Markab ganacsi oo laga leeyahay Bangladesh
 

Talaado, Maarso, 12, 2024 (HOL) - Markab laga leeyahay dalka Bangaladesh ayaa waxaa gacanta ku dhigay kooxo burcad badeed Soomaali ah xilli uu ku socdaalayay badweynta Hindiya ee ku dhow xeebaha Soomaaliya.

Markabkan oo lagu magacaabo "MV Abdullah" ayaa ku wajahnaa dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE) isagoo ka yimid dalka Mozambique ee Afrika ku yaalla.

Markabka waxaa iska leh shirkadda KSRM, taasoo ogaatay in markabka ay qabteen kooxo burcad badeed ah.

Waxaa saarnaa 23 badmaax oo u dhashay dalka Bangladesh. Dhammaantood waa la qafaashay, sida ay sheegeen milkiilayaasha markabka.

Muddooyinkii ugu dambeeyay, kooxaha burcad badeedda Soomaalida ayaa dib usoo nooleeyay weerrarada ay ku hayaan maraakiibta ganacsiga ee isticmaala Badweynta Hindiya.

Haatan, xeebaha Puntland waxaa weli lagu haystaa Markab ganacsi oo kooxaha afduubtay ay doonayaan inay ka qaataan madax furasho.