4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 12, 2024
Somaliland oo dhaliishay sida Waddamada Reer Galbeedku uga jawaabeen xiisada Badda Cas
 

Talaado, Maarso, 12, 2024 (HOL) - Somaliland ayaa sheegtay in sida ay waddamada Reer Galbeedku uga jawaabeen xiisada Badda Cas anay ahayn mid xal lagu gaadhi karo.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cali Xasan Maxamed 'Cali Mareexaan' ayaa sheegay in jawaabta Waddmada Reer Galbeedka ee  xiisada amaan ee kataagan Badda Cas ay tahay mid xaalada uga sii daraysa uun.

"Xiisada ka taagan Badda Cas iyo Gacanka Berbera (Gacanka Cadmeed), laguma xalin karo in madaafiic layskaga tuur tuuro goobo aan cayinayn" Ayuu Wasiir Cali Mareexaan ku sheegay qoraal uu ku baahiyay bartiisa X.

Waxa uu yidhi "Waa in arrinta lagala tashadaa waddamada jaarka sida Somaliland oo kale, hadii daacad laga yahay in xiisada Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed xal loo helo".

Qoraal uu Wasiir Cali Mareexaan ku baahiyay isla bartiisa X 12 January ayuu ku sheegay in Somaliland ay gacanta ku hayso xeeb dherer keedu leegyahay 850 killomitir oo amaan ah, islamarkaana ay sugto amaanka ganacsiga caalamiga ah.

Waxa uu intaa ku daray in loo bahanyahay in Somaliland ay qayb ka noqoto dadaalada lagu dajinayo xiisada, madaama oo ay qayb wayn ka qaadato ilaalinta biyaha Badda Cas.