4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 11, 2024
Ciidamada dowladda oo Maanta isaga baxay magaalada Bacaadweyn ee Koonfurta gobolka Mudug
 

Isniin, Maarso, 11, 2024 (HOL) - Wararka ka imaanaya Koonfurta gobolka Mudug ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka iney isaga baxeen magaalada Bacaadweyn.

Ciidamada is kaashanaya ayaa wararku sheegayaan in galinkii hore ee maanta ay soo faarujiyeen fariisamihii ay ku lahayeen magaalada Bacaadweyn ee gobolka Mudug.

Qaar ka mid ah dadka ku nool Bacaadweyn ayaa warbaahinta u sheegay in mar qura ay arkeen ciidanka oo agabkooda magaalada kasii qaadanaya.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada isaga baxay magaalada Bacaadweyn ee Koonfurta gobolka Mudug iney isugu tageen deegaanka Laas gacameey oo aan sidaas uga fogeyn Bacaadweyn.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay isaga baxeen deegaanada Caad, Camaara iyo Shabeelloow, waxaana ka bixitaankooda kadib deegaanadaas dib ugu soo laabtay kooxda Al-shabaab oo dabayaaqadii sanadkii lasoo dhaafay laga saaray deegaanadaan.

Si kastaba ha ahaatee deegaadaan ka tirsan Mudug ee ciidamada huwanta ah isaga baxeen ayaa qabashadoodii hore waxaa ku dhintay ciidan badan oo isugu jiray askar iyo saraakiil, waxaana haatan si sahlan markale gacanta ugu dhigay Al-shabaab.