4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 11, 2024
Maraykanka oo ballanqaaday inuu 100 milyan ku bixinayo taageerada ciidanka Militariga Soomaaliya
 

Isniin, Maarso, 11, 2024 (HOL) - Mareykanka ayaa ballan qaaday in $100M uu ku bixinayo saldhigyo cusub oo militari, oo looga gol leeyahay in ciidanka Soomaaliya ay kala wareegaan ammaanka ciidanka ATMIS dhamaadka sanadka.

Taageeradan ayaa laga sheegay, kulan dhexmaray Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Nuur iyo Sii-hayaha safiirka Mareykanka.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay xoojinta dadaallada ka dhanka ah argagixisada iyo kor u qaadista amniga qaranka.

Dhawaan ayay ahayd markii Mareykanka iyo dowladda Soomaaliya ay kala saxiixday heshiis dhanka amniga ah oo ah  dhismaha ciidamo Soomaaliyeed oo shaqeynaya, kuwaas oo awood u leh in ay la wareegaan mas’uuliyadda amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Saxiixa heshiiskan is-afgaradka ah ayaa ku soo beegmaya iyadoo Geeska Afrika ay ka taagan tahay xiisad ka dhalatay heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya 1-dii January ay wada galeen.

Heshiisku waxa uu Addis Ababa u ogolaanayaa in ay gasho badda cas si ay suurtogal u noqoto in la aqoonsado Somaliland.