4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 11, 2024
Maamulka gobolka Banaadir oo amaro adag duldhigay Maqaayadaha iyo Hoteelada ku yaala Muqdisho
 

Isniin, Maarso, 11, 2024 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa amaro adag kasoo saaray xurmeynta bisha barakeysan ee Ramadaan.

Guddoomiye Madaale ayaa si gaar ah digniin ugu diray Maqaayadaha iyo Hoteelada ku yaala gudaha magaalada Muqdisho, isagoona faray ineysan furi karin goobaha laga cunteeyo inta lagu guda jiro bisha Ramadaan.

"Bisha Ramadaan waa bil ka duwan bilaha kale waa bil cibaado oo u baahan in la ilaaliyo xormeynteeda Hoteelada iyo Maqaayadaha ku yaala magaalada Caasimada ee Muqdisho waxan u sheegaya ineysan furi karin bishan Ramadaan, sido kale lama arki karo qof sigaar dhuuqaya ama jaad cunaya, Maqayad ama Hotel laga cunteyo oo furan hadii la arko shatiga ayaa lagala wareegaya" ayuu yiri guddoomiye Madaale.

Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale uga digay askarta ciidanka dowladda iney ka mid noqdaan dadka ma Soomayaasha ah ee lagu arko wadooyinka Muqdisho, wuxuuna xusay askarigii la arko isagoo sigaar ku dhex cabaya Muqdisho in talaabo adag laga qaadi doono.

"Hada ka hor waxaa dhacday in askari Booliis ah oo ka mid ahaa ciidanka ka shaqeynayay ilaalinta xurmeynta bisha Ramadaan in isagii oo sigaar cabaya la arko, kadib waa la xiray ciidanka Booliiskana waa laga saaray, marka askarta ha feejignadaan oo yaysan noqon bilaa Soon" ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale.

Awaamiirtaan kasoo yeertay guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale ayaa imaaneysa, iyadoo maanta ay tahay maalinta koowaad bisha barakeysan ee Ramadaan oo ay Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta Xalay waqti dhexe ay shaacisay in bisha laga arkay meelo ka mid ah gudaha dalka.