4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 10, 2024
Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday in berrito ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan
 

Axad, Maarso, 10, 2024 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa caawa si rasmi ah u shaacisay in ay maalinta berrio tahay maalinta koowad ee bisha Ramadaan, ka dib markii la xaqiijiyay in bishii Ramadaan laga arkay qeybo kamid ah dalka.

Wasiirka arrimaha Diinta iyo awqaafta ee xukuumadda Soomaaliya, Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur , oo warbaahinta dowladda kasoo hadlay, ayaa sheegay in bisha laga arkay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellada Hoose, isagoo sheegay in la dhaariyay nin lagu magacaabo Jamaal Axmed Mayow oo bisha arkay.

Wasiirka wuxuu sidoo kale sheegay in aragtida bisha laga xaqiijiyay Somaliland, isagoo tilmaamay in ay ku xaqiijiyeen xiriir ay la sameeyeen guddi katirsan wasaaradda diinta iyo awqaafta Somaliland.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in laga arkay baadiyaha degmada Mandheere ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Dhinaca kalena, dowlad goboleedyada dalka ayaa badi goor hore oo caawa ah looga dhawaaqay in berri la soomayo, marka laga reebo maamulka  Puntland.

Puntland ayaa sheegtay in aysan hayn wax xaqiiqo ah oo ku saabsan dhalashada bisha Ramadaan, iyagoo sheegay in berrito aanay soon ahayn.