4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 10, 2024
Dowladda Sacuudiga oo ku dhawaaqday in maalinta berito la Soomi doono
 

Axad, Maarso, 10, 2024 (HOL) - Boqortooyada dalka Sacuudiga ayaa Caawa oo Isniin shaacisay in bisha Ramadaan laga arkay dalkeeda, islamarkaana maalinta berito la soomi doono.

Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in magaalooyin ka mid ah dalkeeda laga arkay dhalashada bisha Barakeysan ee Ramadaan beritana ay tahay maalinka koowaad.

Guddigga Culimada ee Sacuudiga u qaabilsan xaqiijinta bisha Ramadaan ayaa sheegay in Caawa ay bilaabaneyso Tukashada Salaada Taraawiixda.

Qaar ka mid ah dalalka carabta iyo caalamka ayaa beri laga soomi doonaa, waxaana xusid mudan in wali wadamada qaar ay wadaan xaqiijinta in beri ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan.

Ku dhawaaqista Sacuudiga ee bisha Ramadaan ayaa imaaneysa, iyadoo wali aysan dowladda Soomaaliya ku dhawaaqin in berito soon tahay iyo in kale, waxaase ay u badan tahay in dowladda ay ku dhawaaqi doonto saacadaha soo socda in berito Soon tahay.