5/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 23, 2024
Madaxweyne Xasan Sheikh oo ka qeyb galay dhaqan galinta heshiiska difaaca ee Turkiga iyo Soomaaliya
 

Talaado, April, 23, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Wasiirro ka tirsan Xukuumadda  iyo Danjiraha dowladda Turkiga, ayaa kaga qeyb-galay dusha markab dagaal oo ay leeyihiin Ciidamada Difaaca Turkiga, munaasabad ku saabsan dhaqan-gelinta heshiiska iskaashiga difaaca ee Labada dal.

Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay Turkiga doorka uu ka qaadanayo dowlad-dhiska, gargaarka iyo garab istaagga dadka Soomaaliyeed, isagoo madaxweynuhu sheegay, in Turkigu xilli adag uu ku soo dhiirraday in ay soo gaaraan Soomaaliya.

"Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga oo heshiiskani inaga dhexeeyo  waa dal iyo dad aan naqaanno, marar badan hiil inoo muujiyay. Waa waddan saaxiib iyo walaal ah oo aan  ku aamini karno iskaashigan muhiimka u ah difaaca qarannimadeeenna iyo midnimadeenna dhuleed". Ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheikh.

Madaxweynaha ayaa sheegay dhaqan-gelinta heshiiskan in uu suurto gelinayo dib u soo celinta Ciidamadda Badda Soomaaliyeed oo awood u yeesha in ay kaligood sugaan difaaca badda Soomaaliya.

Sida ku cad heshiiska, Turkigu ayaa siin doona tababaro iyo qalabayn ciidamada badda Soomaaliya, taasoo u oggolaanaysa Soomaaliya inay ka ilaaliso kheyraadka badda iyo ka hortagga argagixisada, burcad-badeedda iyo faragalinta Shisheeyaha.