4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 29, 2022
Madaxda ugu sareysa dalka iyo masuuliyiin kale oo ka tacsiyeeyay geerida Nabadoon Cilmi Hagar Guure
 

Khamiis, September, 29, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga tacsiyeeyay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka reer Hiiraan geeridii ku timid Nabaddoon Cilmi Hagar Guure oo uu sheegay inuu ka mid yahay halgameyaasha Soomaaliyeed ee u shahiiday difaaca dalkooda iyo dadkooda.

Madaxweyne Xasan ayaa xusay sida uu uga dhabeeyey Nabaddoon Cilmi Hagar halgankiisa iyo oraahdiisii ahayd in uu dalka ka xoreeynayo Al-shabaab ama uu shahiidayo, isagoo dagaal kula jira Al-shabaab, taasina ay muujinayso in waxgaradka, ciidamada Qalabka Sida iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed inay ka go’an tahay xoreynta dalka.

“Nabaddoon Cilmi Hagar waxa uu lahaa labo himilo oo aad u weyn, labadiiba waa ku guuleystay. In uu deegaankiisa ka xoreeyo argagixisada iyo in uu u shahiido isagoo dalkiisa ka difaacaya argagixisadan khawaarijta ah. Waxa uu tusaale u yahay sida halgankani uu uga dhab yahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed" ayuu yiri Madaxeynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Wuxuu intaasii ku daray madaxweynaha Soomaaliya in wali dalka gudahiisa ay ku nool yihiin kumanaan kale oo la mid ah Allah u naxariiste Marxuum Cilmi Hagar, kuwaas oo haatan diyaar u ah la dagaalanka Al-shabaab iyo sidii dalka looga xoreyn lahaa, waxaana madaxweynaha uu Alle u waydiiyey naxariistiisa Janno Nabaddoon Cilmi Hagar Guure.

Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa dhankiisa ka tacsiyadeeyay geerida Allah u naxariiste Nabadoon Cilmi Hagar oo Maanta ku dhintay dagaal ka dhacay Ceel qooxle, isagoo sheegay in Marxuumka uu astaan iyo halbeeg u yahay dadka u istaagay jihaadka ka dhanka ah Al-shabaab ee dalka looga xoreynayo.

" Waan ka tacsiyeynaya Geeridda xaqa ah ee Nabadoon Cilmi Xagar Guure oo maanta ku shahiiday dagaal xaq u dirir ah oo ka dhacay jiidda hore ee deegaanka Ceel Qooxle ee gobolka Hiiraan, Mujaahid Cilmi wuxuu ka mid ahaa odayaashii ugu horreeyay ee diiday gumeysiga iyo dhibaatada ay dadka Soomaaliyeed ku hayso argagixisadu, wuxuuna astaan iyo halbeeg u yahay jihaadka iyo dabargoynta ka dhanka ah kuwa dadkeenna nabadda iyo xasilloonida u diiday, waxaan Allaah uga baryay Mujaahid Cilmi inuu ka waraabiyo Jannadiisa midda ugu sareysa samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo shacabka Soomaaliyeed" ayuu yiri Raysal wasaare Xamse

Waxaa sidoo kale ka tacsiyadeeyay geerida Nabadoonka masuuliyiin ay ka mid yihiin guddoomiyaha Golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe iyo madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe, siyaasiyiin kale iyo dad weyne farabadan, kuwaas oo dhamaantood Eebe uga baryay Marxuumka inuu ka waraabiyo Jannadiisa.