4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 8 , 2022
Booliiska Somaliland oo soo qabtay nin gabadh yar dilay
 

Sabti, October, 8, 2022 (HOL) - Booliiska Somaliland ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen nin gabadh yar oo uu abti u ahaa ku gawracay xaafada Sheekh Nuur ee magaalada Hargaysa.

Qoraal booliisku baahiyay ayaa lagu yidhi "Ciidanka booliska Somaliland  ay gacanta ku soo dhigeen Eedeysane Siciid Ismaciil Xasan oo  ku eedeysan inuu dilay gabadh yar oo  lagu magacaabi jiray Nashaad Sakariye Xasan oo 2 jir ah".

Faah faahin buuxda lagama helin sababta keentay in uu gabadha yar oo la sheegay in ay aad u da'ayarayd dilo, wararka ayaa intaa ku daraya in hooyada Nashaad dhashay ay wax caruuraba iyada ka haysatay.

Ninkan ayaa baxsaday kadib markii uu dilka gaystay, isla markaana ciidamada booliiska ayaa ku guulaystay in ay gacanta kusoo dhigaan.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]