4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 8 , 2022
Madaxweynaha Soomaaliya oo Maanta kulan la qaatay qaar ka mid ah Culimada Soomaaliyeed
 

Sabti, October, 8, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta xarunta Madaxtooyada Soomaaliya kulan kula yeeshay qaar ka mid ah Culimada Soomaaliyeed oo uu uga warbixiyay mudnaanta dowladiisa ay siineyso la dagaalanka Al-shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dagaalka socda ee dalka lagaga xoreynayo Al-shabaab inay laf dhabar u yihiin culimada Soomaaliyeed oo ah dhaxal dhowreyaasha diinta, isagoona faray Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta in la qabto shirweyne Culumada Soomaaliyeed la isagu keenayo si looga arinsado dhismaha Hay’adda Culumada Soomaaliyeed.  

Wuxuu Culimada Soomaaliyeed ku bogaadiyey doorka wanaagsan oo ay ka qaataan wacyi gelinta, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah fikirka Shabaab oo uu tilmaamay inuu yahay mid muujinaya sida Al-Shabaab uga been abuuranayaan diinta Islaamka, isagoona ka dalbaday Culimada cilmigooda iyo codkoodaba iney ku garab istaagaan halganka wadajirka ah oo ay wadaan Ciidamada Qalabka Sida iyo dadka degaannada oo u istaagay la dagaalanka Shabaab.

Gabagabdii Culimada ayaa dhankooda la wadaagay madaxweynaha Soomaaliya talooyin ku aaddan dowlad dhiska, horumarinta dalka iyo la dagaalanka fikirka xagjirnimada ah, iyaga oo bogaadiyay howlgallada iyo kacdoonka shacabka ee ka dhanka ah Alshabaab, islamarkaana waxay soo bandhigeen sida ay u garab taagan yahiin howlgalada socda gudaha dalka.