4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 8 , 2022
Dowladda Soomaaliya oo xirtay 40 kamid ah baraha ay Alshabaab wararka ku faafin jireen
 

Sabti, October, 8, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa joojisay 40 ka mid ah akoonnada Twitter-ka iyo Facebook-ga oo ay Alshabaab ku faafin jirtay afkaarta xagjirnimada, sida uu sheegay wasiir ku xigeenka warfaafinta.

Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala, ayaa warkaan ku dhawaaqay, isagoo sheegay qof kasta oo faafiya fikirka iyo wararka Al-Shabaab inuu yahay bartilmaameed la horgeyn doono sharciga.

” Waxaa la mamnuucay baahinta wararka argagixisada, talaabooyin ayay qaadday dowladda waxaana la xiray ilaa 40 barood oo Khawaarijtu ku baahineysay wararkeeda, waxana la beegsan doonaa warbaahin kasta ama shaqsi kasta oo lagu helo faafinta farriinta Kooxdaas”, ayuu yiri wasiir Al-cadaala.

Wasiirka wuxuu sheegay in dagaalka Al-shabaab lagu soo kordhiyay labo furin oo ah in Alshabaab laga joojiyo dhaqaalaha dadka Soomaaliyeed ay qaadaan, iyo sidoo kale in la joojiyo faafinta fikirka cabsi gelinta.

Dowladda Soomaaliya ayaa qaadatay istaraatiijiyad cusub oo ka dhan ah Al-Shabaab, si loola dagaallamo dhaqaale ahaan iyo sidoo kale ciidan ahaan, sida uu wasiirku sheegay.