4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 8 , 2022
Badhan: Maydka macdan qodihii godku ku dumay oo lasoo saaray saacado badan kadib
 

Sabti, October, 8, 2022 (HOL) - Saacado badan kadib waxa lagu guulaystay in lasoo saaro macdan qodihii uu godka macdanta ee deegaanka Milxo ku dumay, oo mayd ah.

Maxamed Siciid Cali oo godku ku dumay xili isaga iyo asxaab kale ay macdan ka qodanayeen god ku yaala buuralayda Milxo ee degmada Badhan, ayaa isaga oo mayd ah laga soo saaray godka kadib 35 saacadood oo la waday dadaalo lagu samata bixinayo.

Godkan oo guntiisu hoos u qodnayd 40 mitir, ayaan isla markiiba lagu guulaysan in lagu dhaadhaco, sida goob joogayaashu sheegeena subaxdii hore ee Jimcaha ayuu mar kale dumay, taasi oo keentay in 20 mitir oo godka kamid ahi aasmaan.

Hadaba, dadka deegaanka ayaa sheegay in anay helin haba yaraatee wax gurmad dowladeed ah, taasina ay keentay in ay tamar u waayaan in Maxamed si dhakhso ah lagu samata bixiyo.

Wiilka ayaa ugu danbayn lagu guulaystay in laga soo saaro godka, lakiin nasiib daro nolol laguma gaadhin, oo maydkiisa oo burbur ka muuqdo ayaa la soo saaray.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]