4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 8 , 2022
Kenya oo ku guul darreysatay in ay shidaalka kasoo saarto xuduud badeedka ay la wadaagto Soomaaliya
 

Sabti, October, 8, 2022 (HOL) - Baadhitaanno seismic ah oo ay Kenya ka sameysay ceelka Mlima-1, oo loo yaqaan Block L11B ee Lamu Basin, ayaa daaha ka qaaday in ay qalalan yihiin, taas oo soo afjartay 10 sano oo shidaal laga raadinayey.

Maamulka Tamarta iyo Batroolka (Epra) ayaa sheegay in shirkadda ENI Business Venture ay laashay mashruuca ka hor bartamihii sanadkan, ka dib markii ay ku guuldareysatay inay raadiso kaydka saliidda iyo gaaska ee aaggaas.

Shirkadda Eni ayaa la siiyay ogolaanshaha sahaminta 2012 iyada oo ay ka soo horjeeday dawladda Soomaaliya oo Kenya ku eedeysay in ay si sharci darro ah ku bixinayso baloogyadaas.

Kenya ayaa bishii December ee sanadkii hore sare u qaaday howlo shidaal baaris ah oo ay ka waday Basin Lamu, todobaadyo ka dib markii ay diiday go’aan ka soo baxay maxkamadda Qaramada Midoobay oo inta badan go’aamisay in Soomaaliya ay ka heshay dacwadda badda.

ENI ayaa tan iyo bishii April ee sanadkii hore ku hawlanayd khariidaynta kaydka saliida iyo gaaska ee Lamu Basin in kasta oo ay Soomaaliya muran soohdin ah ay kala dhexeeyo dhinaca xeebta oo dhan 100,000 kiiloo mitir oo laba jibbaaran.

Dooxani waxa ay ku fidsan tahay xuduudka Kenya iyo Soomaaliya ilaa xadka Tanzaaniya ay la wadaagto, waxaana dowladda Kenya ay ku hawlanayd ballaadhinteeda ilaalinta ceelasha saliidda ee muranku ka taagan yahay.