4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 7 , 2022
Badhan: God macdanta laga qodo oo ku dumay wiil dhalinyaro ah
 

Jimco, October, 7, 2022 (HOL) - Wiil dhalinyaro ah oo macdanta qoda, ayaa muddo 24 saacadood ah ku xaniman dhulka hoostiisa, kadib markii uu ku dumay god uu macdan ka qodayay oo ku yaala deegaanka Milxo ee degmada Badhan.

Axmed Cabdiraxmaan Cismaan oo ka mid ah dadka deegaanka Milxo oo waraysi siiyay HCTV, ayaa sheegay in wiilku uu ku xanibmay gudaha godka macdanta kadib markii uu godku ku dumay saqdii dhexe ee xalay.

"God ayaa jiray koox ay wax ka qodayeen, kooxdii way kasoo baxday marka yarka dhalinyarada ah baa ku hadhay oo magiciisa la yidhaa Maxamed Siciid Cali Faarax, markaa godkii ayaa ku dumay xalay 12:00 habeenimo"

Waxa uu Axmed sheegay in saaka subixii uu godkii mar labaad dumay, taasi oo adkaysay gurmadkii la doonayay in wiilka godka lagaga soo saaro, waxa kale oo uu sheegay in godku uu 40 mitir hoos u qodan yahay, isla markaana ay  20 mitir aasmeen.

Goobjoogahan ayaa sheegay in saaka subixii Maxamed codkiisa la maqlayay lakiin markii uu godku mar labaad dumay hadalkiisa la waayay, waxa uu intaa ku daray in anay gurmad dowladeed helin marka laga reebo dadaalada dadka deegaanku wadaan, isla markaana aan la garanayn nolol iyo geeri waxa uu ku suganyahay.

Waxa uu  Axmed sheegay in wiilka godku ku dumay uu ahaa dhowr iyo labaatan jir macdanta qoda.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]