4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 7 , 2022
Xisbiga UCID oo soo dhaweeyay baaqa beesha caalamka
 

Jimco, October, 7, 2022 (HOL) - Xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID, ayaa soo dhaweeyay soojeedinta beesha caalamka ee ku aadan in doorashooyinka loo qabto sida ugu dhakhsaha badan ee ugu haboon.

Guddoomiyaha xisbiga Faysal Cali Waraabe, ayaa qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada baaqa beesha caalamka ku sheegay in ay tahay fursadii ugu danbaysay ee uu madaxweyne Biixi haysto.

"Baaqa ay soo saareen dalalka EU-da ee inagana caawiya sanduuqa ( SDF) Iyo dalka Maraykanka oo wadashaqaynta tooska ah inala bilaabay, waa fursadii ugu dambaysay ee loo jeediyay madaxweynaha sharci diidka ah, anagu waanu soo dhawaynaynaa sidaanu horeba xalkasta usoo dhawayn jirnay" ayuu yidhi Waraabe.

Waddamada Somaliland ka caawiya geedi socodka dimuquraadiyada ayaa qoraal, ay soo saareen xukuumada Somaliland ku booriyay in doorashooyinka Somaliland loo qabto sida ugu dhakhsaha badan.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]