4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 7 , 2022
Madaxweyne Laftagareen "Madhici doonto in Koonfur Galbeed noqoto god bahalo galeen ah oo Shabaab ku hakadaan"
 

Jimco, October, 7, 2022 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo Maanta dib ugu laabtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa ka hadlay dagaalada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda gobolada Hiiraan iyo Galgaduud iyo qorshaha kaga aadan Koonfur Galbeed dagaalada ka dhanka ah Shabaab.

Madaxweyne Laftagareen ayaa sheegay in haatan la joogo waqtigii ay soo afjarmi lahayeen Al-shabaab oo wax walibana waqti ay leeyihiin, isagoona carabka ku adkeeyay in firxadka Shabaab ee ka imaanaya gobolada kale ineysan suurtagal noqon doonin in Koonfur Galbeed ay ukuma dhigtaan waa sida uu hadalka u dhige.

"Shabaab waqtigiisa waa soo dhamaaday intii dhibaato ay ugeysteen Shacabka Soomaaliyeed intaan ayaa kaga filan, waxaa naga goan inaan soo afjarno sida uga dhow Argigixisada ku dhuumalaysanayaa Gobolada Koonfur Galbeed, haatan waxay howlgalada ka bilawdeen gobolka Bakool, deegaanada kalana waa in deg deg looga bilaaba howgalada" ayuu yiri madaxweyne Laftagareen.

Wuxuu ugu baaqay shacabka ku dhaqan deegaanada maamulka Koonfur Galbeed iney u diyaar garoobaan in si wadajir ah loola dagaalamo Al-shabaab, sida shacabka gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ay ula dagaalamayaan Al-shabaab.

"Madhici doonto inay Soomaaliya dhan Al shabaab iska soo saaran oo ay anaga nagu hakadaan oo ay koonfur galbeed noqoto god bahalo galeen ah" ayuu yiri madaxweyne Laftagareen.

Hadalkaan kasoo yeeray madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa imaanaya xili dagaalo culus oo ka dhan ah Kooxda Al-shabaab ay ka socdaan gobolada Hiiraan iyo Galgaduud oo bilaaw u noqday kacdoono ka dhan ah Shabaab oo haatan ku fidiya gobolada dalka.