4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 7 , 2022
Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed oo maanta Jigjiga soo gaarey


Jimco, October, 7, 2022 (HOL) - Waxaa goor dhawayd magaalada Jigjiga soo gaarey Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed Cali iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka kooban ku xigeenkiisa ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya Dhamake Mekonin iyo Ku xigeenka hoggaanka Xisbiga Barwaaqo Aadan Faarax.

Wafdiga Ra'iisal wasaare Abiyi Axmed ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Jigjiga kusoo dhaweeyay Madaxwaynada dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar iyo qaar kamid ah golihiisa Wasiirada.

Dhinaca kale waxaa iyana goor sii horreysay magaalada Jigjiga soo gaarey Wasiiro heer federal ah oo uu kamid yahay Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide, Wasiirka Wasaaradda difaaca ee Itoobiya Dr. Abraham Balay, Wasiirka wasaaradda gaadiidka dalka Itoobiya, Degmawit Mogos iyo Wasiiro kale oo dhammaantood kamid ah Xisbiga Barwaaqo ee haya talada dalka Itoobiya.

Madaxweynayaasha Degaannada dalka ayaa iyaguna isla maanta soo gaarey magaalada Jigjiga, waxaana dhammaan wufuudda qaybaheeda kala duwan kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Jigjiga Madaxweynaha martida loo yahay ee degaanka Soomaalida Mustafe cagjar.

Wufuudda kala duwan ee ka kala timid degaannada dalka Itoobiya ee maanta soo gaarey magaalada Jigjiga ayaa u yimid inay ka qeybgalaan Shirka guddiga fulinta ee Xisbiga Barwaaqo oo maalinta berri ah lagu wado inuu ka furmo magaalada Jigjiga ee caasimadda dowlad degaanka Soomaalida.

Waa markii koowaad ee Jigjiga ay marti galinayso Shirweynaha guddiga fulinta ee Xisbiga Barwaaqo, lagu qabto Shirweynaha Xisbiga Barwaaqo oo ay kasoo qayb galayaan dhammaan guddiga fulinta ee Xisbiga Barwaaqo.