4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 7 , 2022
Xisbiga Waddani oo ka jawaabay qoraalkii xukuumada Somaliland kaga hadashay muddo kordhinta
 

Jimco, October, 7, 2022 (HOL) - Xisbiga Waddani ayaa sheegay in aan Somaliland loogu yeedhi karin dimuquraadi, kadib muddo kordhintii loo sameeyay madaxweynaha iyo golaha guurtida.

Xogeeyaha Guud Ee Xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi, oo bartiisa Twitterka kaga faalooday warqad ay Khamiistii xukuumadu kaga faalootay muddo kordhinta iyo doorashooyinka, ayaa is waydiiyay in Somaliland dimuquraadi loogu yeedhi karo kadib muddo kordhinta.

"Aynu daacad noqono daqiiqado, Somaliland dimuquraadig ma ugu yeedhi karnaa, kadib muddo kordhintii sharciga baal marsanayd?, warqadani waxay tusaale u tahay karti la'aanta, isku xidhnaansho la'aanta, is khilaafka iyo beenta" ayuu yidhi Khadar.

Waxa uu sheegay in erayada dimuquraadiyad, isla-xisaabtan iyo ku dhaqanka sharciga oo xukuumadu Somaliland ku amaantay ay yihiin qaar si qaldan loo adeegsaday, "Isla xisaabtanka, dimuquraadiyada iyo ku dhaqanka sharcigu, waa saddex kalmadood oo halkan si qaldan loogu isticmaalay".

Xukuumada ayaa qoraalkeeda shalay Somaliland ku amaantay, dimuquraadiyad, sharci iyo kala danbayn, iyadoo sheegtay in doorashooyinka lagu qaban doono wakhtiga ugu dhakhsaha badan ee ugu macquulsan.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]