4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 7 , 2022
Dowlad degaanka Soomaalida oo ka hadashay xaaladda abaarta daran ee ka jirta inta badan gobollada degaanka Soomaalida
 

Jimco, October, 7, 2022 (HOL) - Wasiirka Maaraynta Khataraha iyo Masiibooyinka ee dowlada degaanka Soomaalida Axmed Yaasiin Sheekh Ibraahin oo Warbaahinta waraysi siiyay ayaa ka warbixiyay xaaladda abaarta ee ka jirta degaanka Soomaalida iyo saameynteeda.

Wasiirku waxa uu sheegay in abaartii hore xilligii ay degaanka jirtay uu mar roobkii gu'ga uu ka da'ay degaanka balse roobkaasi uu ahaa mid aan ku filnaanin, sidoo kalena ay biyo yari ka jirtay inta badan meelihii ay abaartu saameysay.

Abaartan oo ahayd mid daba dheeraatay waxay degaanka kaga tagtay saameyn badan, iyadoo xoolihii markii ay biyo yaraantu dhacday ay noqdeen kuwo cad iyo caano midna aan laga helayn, sidaas darteedna dadkii oo xoolo dhaqato u badnaa ay noqdeen kuwo ku barakaca meelihii ay hadba is yiraahdaan biyo iyo baad ayaad ka heli kartaan.

Iyadoo abaartani ay si guud u saameysay gobollada uu degaanka Soomaalidu ka kooban yahay, ayaa Wasiirku waxa uu si gaar ah u xusay inay usii daran yihiin gobollada Daawa, Nogob iyo Afdheer.

Dowladdu maysan sheegin qorshaha hadda uga yaal abaartan, iyo wixii laga yeeli lahaa iyadoo maalinba maalinka xigta ay kasii darayso abaartan dadkuna oo intiisa badan ay ka dhammaadeen xoolihii ay bilaabeen inay u barakacaan goobaha ay is dhihi karaan waad ku noolaan kartaan.