4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 7 , 2022
Beesha caalamka oo war kasoo saartay muddo kordhinta loo samayay madaxweynaha Somaliland
 

Jimco, October, 7, 2022 (HOL) - Qoraal kasoo baxay waddamada Somaliland ka taageera doorashooyinka, ayaa lagu sheegay in loo bahanyahay in doorashooyinka Somaliland loo qabto sida ugu dhakhsaha badan ee ugu macquulsan.

Qoraalkan oo lagu baahiyay boga Twitterka ee Wasaarada Arrimaha Dibadda Maraykanka qaybteeda arrimaha Africa, ayaa lagu booriyay xukuumada Somaliland in ay qabashada doorashooyinka u raacdo habraaca ay guddida doorashooyinku soo gudbisay.

"Ka dib go’aankii Golaha Guurtida Somaliland ee muddo kordhinta toddobaadkan, saaxiibada caalamiga ah ee la socda geeddi-socodka dimuqraadiyaynta, waxay doonayaan inay hoosta ka xariiqaan muhiimadda ay leedahay geeddi-socod la isku raacsan yahay oo ogolaanaya in sida ugu dhakhsaha badan doorashooyinku u qabsoomaan si waafaqsan tixgalinta farsamo ee ay guddida doorashooyinku dejiyeen".

Waxa kale oo lagu sheegay qoraalka in loo bahanyahay in matalayaasha siyaasadu ay ku heshiiyaan nidaam doorasho oo wakhtiyaysan, si kalsooni loogu qabi karo nidaamka dimuquraadiyada Somaliland.

"Mar labaad, waxaanu ku boorinaynaa dhamaan matalaayasha siyaasada
Somaliland in ay si wax dhisaysa u wada shaqeeyaan khariidad doorasho oo wakhtiyaysan, si loogu kalsoonaado dimuquraadiyada iyo xasiloonida Somaliland".

Waddamada iyo urrurada qoraalkan ku saxeexan ayaa kala ah:- Denmark, Midowga Yurub, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Ireland, Talyaaniga, Holland, Norwey, Sweden, Boqortooyada Ingiriiska iyo Maraykanka.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]