4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 6 , 2022
Xasan Daahir Aweys oo ka hadlay dilka wiilkiisa iyo sarkaal sare oo katirsan Alshabaab
 

Khamiis, October, 6, 2022 (HOL) - Xasan Dahir Aweys oo kamid ahaan jiray saraakiishii sare ee Alshaabaab, haddana ah maxbuus u xiran Dowladda Soomaaliya, ayaa ka hadlay geeridii wiilkiisa iyo sarkaal sare oo katirsanaa Alshabaab, kuwaas oo dhawaan lagu dilay duqayn Maraykanku ka fuliyay gobolka Jubbada hoose.

Xasan Daahir oo kasoo muuqday muuqaal lasoo galiyay baraha bulshada ayuu ku sheegay in Cabdullaahi Nadiir oo ahaa madaxii dacwadda Alshabaab uu ahaa mid kamid ah ardaydiisii, sidoo kalena ay u dhaxday walaashiis ina Daahir Aways.

“Wiilkayga idinkaa dilay, kan kalena (Cabdullaahi Nadiir) walaalkey buu ahaa. Walaashey ayaa u dhaxday, ardayna waa ii ahaa,” sidaas waxaa yidhi Xasan Daahir Aweys oo aad uga caraysnaa dilkooda, isagoo ku tilmaamay inay shahiideen.

Xasan Daahir ayaa dowladda Soomaaliya ku tilmaamay inay tahay “Cilmaaniyiin”.

Waxaa uu weerar afka ah ku qaaday Mukhtaar Roobow oo hadda ku jira dowladda Soomaaliya, isagoo ku dhaleecayay sababta uu dowladda ugu biiray, ugana weecday dariiqii Shabaabka.