4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 6 , 2022
Xukuumada Somaliland oo war kasoo saartay muddo kordhinta iyo doorashooyinka
 

Khamiis, October, 6, 2022 (HOL) - Qoraal kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibadda Somaliland, ayaa lagu sheegay in xukuumadu soo dhawaynayso muddo kordhinta iyo in doorashooyinka loo qaban doono sida ugu haboon ee ugu dhakhsaha badan.

Qoraalkan oo wasaarada arrimaha dibaddu ku sheegtay in uu kasoo baxay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayuu madaxweynuhu ku sheegay in ay ka go'antahay in uu doorashooyinka u qabto sida ugu dhakhsaha badan.

"Maamulkaygu wuxuu la shaqaynayaa hay'adaha dimuquraadiga ah, si uu u hubiyo in doorashooyinka soo socda loogu qabto wakhtiga ugu haboon ee ugu dhakhsaha badan, iyadoo la raacayo habraacyada guddida doorashooyinka".

Waraaqda ayaa sidookale, lagu sheegay in uu madaxweynuhu soo dhawaynayo go'aanka guurtidu wakhtiga ugu kordhisay, si nidaamka dowladeed usii socdo inta laga qabanayo doorashooyinka.

Waxa kale oo uu sheegay in uu wadahadalada lasii wayo axsaabta siyaasada, isaga oo rajo ka qaba in horumar laga gaadho, oo la wada horumariyo nidaamka dimuquraadiga ah.

"Waxa naga go'an in aanu wadahadalada lasii wadno dhamaan saamilayda siyaasada, aniga oo rajo ka qaba in aanu isku nimaadno anaga oo muwaadiniin waddan wada leh ah, si aanu usii horumarino nidaamkayaga dimuquraadiyadeed".

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Somaliland ay hore usoo qabatay doorashooyin hal qof iyo hal cod ah, iyadoo caalamku uu korjoogtaynayay, isla markaana hay'addaha dimuquraadiga ah ee Somaliland ay yihiin qaar adkaysi leh, oo madaxbannaan.


Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]