4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 6 , 2022
Puntland oo shaaciyay in ay 37 degmo ka qabanayso doorashooyinka golayaasha deegaanka ee nidaamka axsaabta badan

Khamiis, October, 6, 2022 (HOL) - Golaha wasiiradda Puntland ayaa meel mariyay in 37 degmo oo qeyb ka ah degmooyinka Puntland laga qabto doorashooyinka golayaasha deegaanka ee nidaaamka xisbiyada badan.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Faarax Siciid Juxa oo dhawaan lasoo magacaabay, ayaa qorshahaan hordhigay shirka golaha wasiirrada ee uu madaxweyne Deni shir guddoominayay.

Doorashooyinkan ayaa noqonaya wajigii labaad ee  doorashada hal qof iyo hal cod. Iyadoo wajigii hore laga qabtay saddex degmo oo lagu tijaabinayay billowga dimuqraadiyadda Puntland.

Degmooyinka doorashada laga qabanayo ayaa loo kala saaray heerarka A iyo B, kuwaas oo ay usii dheer tahay inay buuxiyaan shuruudaha iyo habraaca  degmooyinka doorashadu ka dhacayso.

Lama oga sida madaxweyne Deni oo muddo hal sano iyo saddex bilood uga harsan yahay muddo xilleedkiisa uu u qaban karo doorashada 37 degmo.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa horey u sheegay in madaxweyne Deni uu wado qorshe uu ugu gogol xaarayo muddo kororsi labo sano ah, iyagoo sheegay inuu dariiq ka dhiganayay doorashooyinka axsaabta badan.