4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 6 , 2022
Bambo gacmeed lala beegsaday Ciidamada Somaliland ee Laascaanood
 

Khamiis, October, 6, 2022 (HOL) - Hal askari ayaa ku dhintay tiro kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaadhay, kadib markii weerar bambo gacmeed loo adeegsaday lala eegtay askar ka tirsan ciidamada Somaliland ee Laascaanood ku sugan.

Askariga dhintay oo lagu magacaabi jiray Axmed Maxamed Jaamac, ayaa u geeriyooday dhaawac isaga iyo ugu yaraan 3 askari oo kale  kasoo gaadhay weerarka bambo gacmeedka loo adeegsaday oo lala beegsaday xili ay ku sugnaayeen magaalada Laascaanood.

Jaamac ayaa maanta aas qaran loogu sameeyay magaalada Burco, dhinaca kale xukuumada Somaliland wax war ah kama soo saarin weerarka lala beegsaday askarta, lamana oga in la qabtay cidii weerarka gaysatay iyo in kale.

Kooxo hubaysan oo ilaa iyo hada aan si rasmi ah loo aqoonsan, ayaa magaalada Laascaanood ka gaysta weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah, weeraradaas oo sannadihii u danbeeyay ay ku nafwaayeen, ciidamo, saraakiil dowladeed iyo dad shacab ah oo badan.

Hadaba, xukuumada Somaliland oo qaaday ollole ay ku adkaynayso nabadgalyada magaaladan, ayaan ilaa hada xal buuxa u helin wax ka qabashada amaandarada.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]