4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 6 , 2022
Kamaal Guutaale: kacdoonka shacabka ee ka dhanka ah Al-Shabaab weli ma gaarin heerkii ugu sarreeyay
 

Khamiis, October, 6, 2022 (HOL) - La taliyaha amniga qaranka ee raysal wasaaraha Soomaaliya, Kamaal Daahir Xasan Guutaale, ayaa sheegay kacdoonka shacabka ee ka dhanka ah Al-Shabaab inuusan wali gaarin heerkii ugu sareeyay.

Kamaal Daahir Xasan Guutaale oo ah la la hadlay Idaacadda Codka Mareykanka ee VOA, ayuu sheegay in uu filayo in beello badan oo ka kala yimid gobollada dalka ay ku soo biiraan dagaallada.

"Dadweynuhu waxay mar walba diyaar u ahaayeen inay la dagaalamaan al-Shabaab,” ayuu Kamaal Guutaale ku yiri wareysi uu siiyay idaacadda VOA Soomaali.

Kamaal wuxuu sheegay in madaxweynaha iyo ra’iisul Wasaaruhu ay bilaabeen inay dhiirigeliyaan oo ay garab istaagaan markii ay bulshadu go’aansatay in ay is abaabulaan oo la dagaalamaan Alshabaab.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si weyn u bogaadisay dadaallada abaabulan ee dadka deegaanka, waxayna ku baaqday in la ballaariyo iska caabinta gobollada kale si gebi ahaanba looga cirib tiro Alshabaab.