4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 5 , 2022
Qaramada Midoobay oo si adag u cambaareeysay qaraxyadii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Baledweyne
 

Arbaco, October, 5, 2022 (HOL) - Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa cambaareeyay weeraradii qaraxyada Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay magaalada Baledweyne ee sababay khasaaraha kala duwana ee dhimashada, dhaawaca iyo burburka hantiyadeed geystay oo ay masuuliyadiisa sheegatay Kooxda Al-shabaab.

Weeraradaasi oo ahaa sadax qarax oo Ismiidaamin wada ahaa ayaa waxaa ku geeriyooday ku dhawaad 30 ruux oo isugu jiray shacab iyo dad masuuliyiin ah oo ay ka mid ahayeen wasiirkii Caafimaadka Hirshabeelle Sakariye Hurre, Xildhibaan Hirshabeelle Geelle Isaaq Warsame iyo guddoomiye ku xigeenkii maamulka gobolka Hiiraan Abuukar Sheekh Maadey.

Afhayeenka Xoghayaha guud Stethane Dujarric ayaa sheegay in Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uu tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay iyo sidoo kale dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoona sheegay inay ka go’an tahay Qaramada Midoobay inay la shaqeyso hay’adaha gobolka iyo kuwa kale ee caalamiga ah si ay u taageeraan dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ee uu jiheystay dhismaha dal nabad ah.

Qaraxyada Baledweyne ka dhacay maalin ka hor ayaa ahaa kuwii ugu waa weyna ee inta la og yahay ka dhaca gudaha Baledweyne, waxaana qaraxyada oo dhamaantood loo adeegsaday gawaari uu mid ka mid ah ahaa nooca Xamuulka qaada ee Soomaalida u taqaano waaraad, halka labada kalana ay ahayeen kuwa raaxada.