4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 4 , 2022
Alshabaab oo bilaabay inay abaabulaan oo hubeeyaan qabaailka Shabeellada dhexe


Talaado, October, 4, 2022 (HOL) - Ururka Alshabaab ayaa deegaanka Masaajid Cali Guduud ee gobolka Shabeellada dhexe ka bilaabay inay abaabulaan oo hubeeyaan qabaailka, si ay dagaal ugala hortagaan ciidanka dowladda ee ku wajahan dhulka uu Shabaabku haysto.

Warbaahinta ku hadasha afka Alshabaab ayaa lagasii daayay sawirro iyo muuqaallo laga soo duubay dad lagu sheegay inay yihiin odayaasha dhaqanka beesha Abgaal, iyagoo ku dhawaaqay waxay ugu yeereen iska caabin dagaaal oo ka dhan ah duullaanka dowladda Soomaaliya.

Alshabaab ayaa kulankaan u abaabulay, kadib markii beesha Mudulood ay ku dhawaaqday dagaal ay Alshabaab kaga xoraynayso gobolka Shabeellada dhexe iyo deegaannada kale.

Xildhibaanno iyo saraakiil ciiddan oo kasoo jeeda beeshaas ayaa horkacaya ciidamo aad u farabadan iyo gaadiid dagaal oo xalay ka tagay magaalada Muqdisho, kuwaas oo gaaray degmada Cadale.

Ciidamadan ayaa la filayaa inay billaabaan dagaal ka dhan ah Alshabaab, waxaana loo arkaa abaabulkii ugu xoogganaa ee beesha Muduloood ku doonayso inay Shabaab dhulkeeda uga xorayso, si lamid ah gobolka Hiiraan oo shacabkooda iska xoreeyeen Alshabaab.