4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 3 , 2022
Xulka kubada cagta ee 17 jirada Soomaaliya oo 1-0 uga badiyay xulka 17 jirada Ethiopia
 

Isniin, October, 3, 2022 (HOL) - Xulka kubbada Soomaaliya ee 17 jirrada ayaa 1-0 kaga adkaaday xulka Ethiopia oo marti gelinaya ciyaaraha Bariga iyo bartamaha Afrika.

Waa guul taariikhiya ah oo ay xulka kubadda cagta Soomaaliya ka gaareen Isreebrebka 17-jirada bariga iyo bartamaha Africa.

Guushaan ay gaareen xulka Soomaaliya ayaa ahayd is araga koowaad ee wareega groupyada ee Tartanka Afcon Cecafa Zone.

Dhinaca kale, Isreebreebka Cecafa ayaa la yareeyay tirada kooxaha ka qeyb galaya. Kaliya shan waddan oo kala ah, Soomaaliya, Uganda, Ethiopia, South Sudan, Burundi iyo Tansaaniya ayaa ka qeyb galaya isreebreebkan.

Soomaaliya ayaa kulankeeda labaad la cayaaridoonta sagaalka bishaan Tansaaniya.

War saxaafadeed ka soo baxay xoghaynta CECAFA ayaa laba kooxood looga reebay isreeb reebka oo kala ah Djibouti iyo Sudan oo labaduba ka soo baxay Group B ka dib markii ay ku guulaysan waayeen imtixaankii MRI.

Tani waxay ka dhigtay wadarta guud ee kooxaha aan ka qaybgelin inay noqdaan 4 koox ka dib markii Rwanda iyo Eritrea ay ku guuldareysteen inay ka soo baxaan Group A.