5/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 11, 2022
Marocco oo noqotay dalkii ugu horeeyay oo Afrikaana oo u gudba wareega Semafinalka
 

Axad, December, 11, 2022 (HOL) - Xulka Kubbada Cagta dalka Marocco ayaa Xalay guul taariiqi ah ka gaaray kulan xiiso badan oo ay la ciyaareen dhigooda xulka kubadda dalka Portugal oo ay kaga badiyeen 1-0.

Marocco ayaa sidoo kale noqotay dalkii ugu horeeyay oo Afrikaan ah oo u gudba wareega afar dhamaadka Semafinalka Koobka aduunka oo ay sanadkan wacdaro lama filaan ah ka dhigayaan ciyaartoyda reer Morocco.

Ciyaarta dhexmaray Morocco iyo Portugal ayaa aheyd mid si dar dar leh ku bilowday oo weerar iyo weerar celis aheyd xilli ciyaarta inta badan ay maamuleyeen ciyaartoyda dalka Portugal, hayeeshee
Xulka Moroco ayaa daqiiqadii 42-aad dhaliyay goolkooda guusha u horseeday waxana u dhaliyay xiddiga Youssef En-Nesyri.

Dhinaca kale waxaa sidoo kale Xalay wada ciyaaray Xulalka Kubadda Cagta dalka Faransiiska iyo England, waxaana ciyaartiisa ku guuleystay xulka Faransiiska oo dhigiisa xulka England kaga adkaaday 2-1, waxaana sidaas wareega Semafinalka ugu soo gudbay dalka Faransiiska.

Si kastaba Xulka Faransiiska ayaa wareega afar dhamaadka koobka aduunka la ciyaari doona Xulka Morocco oo iyana kasoo guuleystay xulka Portugal.